Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)  oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Mas’uuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigiisa La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga  u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna  kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga  Midowga Yurub.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka ,  dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii  kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka,  Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed  la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.

Previous Post

Wasiir Alcadaalla “DF waxay xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo Khawaarijtu laheyd,”.

Next Post

Tababar La Xariira Tayo-Dhawrka Oo Muqdisho Ka Furmay

Next Post

Tababar La Xariira Tayo-Dhawrka Oo Muqdisho Ka Furmay

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In