Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 2, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qatar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti. Kulamadan ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta

Kulamada labada dhinaca oo ku soo dhamaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5-ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka. Dhinaca kale waxa ay labada Wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabadda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddadii ay joogeen dalka Qatar waxa ay ka qeybgaleen bandhigyo, shirar iyo fadhiyo danayn gaar ah u leh dalalka soo koroya. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa uu kulamo sharafeed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

 

Previous Post

Dood la xiriirto ka hortagga musuq maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiika Arrimaha gudaha oo kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee deegaanka Ceeldheere “SAWIRRO”

Next Post
Wasiika Arrimaha gudaha oo kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee deegaanka Ceeldheere “SAWIRRO”

Wasiika Arrimaha gudaha oo kulamo la qaatay qeybaha bulshada ee deegaanka Ceeldheere "SAWIRRO"

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In