Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis shaqo qoris ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis shaqo qoris ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan.

Heshiiskan qodobada muhiimka ah ee diiradda saari doono waxaa ka mid ah:

Related posts

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026

1) in Is-afgaradkani uu dejinayo hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Sucuudiga, iyadoo la hubinayo in habka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu dejinaaya qaab cad oo sharci ah oo ku saabsan hababka qorista, hubinta u hoggaansanaanta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

2) Heshiiskan wuxuu kordhinaya dakhliga Dhaqaale ee Wadanka, taas oo qayb ka qaadan karta horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida amni ee dalka .

3) Horumarinta Xirfadda: Is-afgaradku waxa uu noqon doonaa mid bixiya tababaro iyo barnaamijyo horumarineed oo u oggolaanaya shaqaalaha Soomaaliyeed inay helaan xirfado iyo hal-abuur cusub.

4) Shaqo la’aanta oo yaraata: Shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqo tago dalka dibaddiisa waxa ay wax ka tari kartaa inay helaan xirfado noloshadooda shaqo wax ka bedesha mustaqbalka.

5) Sidoo kale, Heshiiskaan waxa uu yaraynayaa khataraha ka dhasha ka faa’iidaysiga iyo ka ganacsiga dadka iyo tahriibintooda.

6) Xiriirka Diblomaasiyadeed: Is-afgaradka oo si wanaagsan loo fuliyo waxa uu xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal kaaso kor u qaadaaya iskaashiga, iyo is fahamka Labada dal.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Akadeemiyada Cadaaladda ee Turkiga

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Ankara kulan muhiim ah kula leh dhiggiisa Turkiga

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Ankara kulan muhiim ah kula leh dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo Ankara kulan muhiim ah kula leh dhiggiisa Turkiga

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In