Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland mas’uuliyiinta Hay’adda QM u qaabilsan qoxootiga Adduunka ee UNHCR.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo qoxootiga ku ah wadamada Yeman Liibiya iyo Kenya.
Mudadii kulankodi uu socday ayaa waxaa siweyn looga hadlay sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniin badan oo Soomaali ah kuwaasi oo ku dhibaataysan xabsiyada dalkaasi Liibiya,kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxo Falaago ah oo aan dowladda taageersanayn.
Kulan ballaaran, oo sidoo kale looga hadlayey gargaarka deg degga ah ee qaxootiga ka hor iyo ka dib dib-u-noqoshada mutadawacnimada, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, H.E. Amb. Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Insania), safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux iyo Midowga Yurub, H.E. Amb. Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Dadka Gudaha Ku Barakacay, Mudane Axmed Cabdikariim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, Maryan Yassin Xaji Yuusuf.
Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ah dadaal ugu jirtay sidii dalkoodi hooyo dib loogu soo celin lahaa dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo siyaabo kaladuwan qoxooti iyo maxaabiis ugu ah wadamo caalamka kamid ah