Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Daahfurtay Dhaqangelinta Istraatejiyada Ka hortaga fikirka Xagjirka ah “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo Daahfurtay Dhaqangelinta Istraatejiyada Ka hortaga fikirka Xagjirka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) iyo danjiraha cusub ee dowladda Sweden ee Soomaaliya danjire, Aderes von Uexkull, ayaa maanta si wadajir ah u shir guddoomiyey kulan looga hadlayay ka hor tagga argagaxisada iyo fekirkooda.

Barnaamijka maanta uu ku saabsanaa shirkan, ayaa ahaa kii afaraad, waana qeyb kamid ah hanaanka amniga ee dalka oo kamid ahaa arrimihii looga hadlay shirkii bishii May lagu qabtay magaalada London ee dalka UK ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wakiilada in ka badna 10 dal, ururo caalami ah sida; Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo kuwo kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khudbad dheer ka jeediyey sheegeyna in dhaqangelinta Istraatejiyada Qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah ay ahmiyad gaar ah u leedahay dalka si loo helo busho amni iyo nabad ku wada nool.

Danjiraha dalka Sweden, Aderes von Uexkull, oo beesha caalamka ugu wakiilatay in mashruucan kala shaqeeyo madaxda Soomaalida, ayaa shirka ka sheegay in qorshahan uu yahay mid Soomaalida hormuud ka tahay isla markaana beesha caalamku ay fududeeye uun tahay kaalinteedu.

Wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shirkan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya, danjire Mechael Keating, ayaa dhankiisa sheegay in argagaxisnimada aan looga adkaan karin dagaal oo kali ah, balse loo baahan yahay dib-u-heshiisiin iyo is faham.

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane C/raxmaan Cumar Cismaam Eng. Yariisow oo kamid ahaa wasiirada shirka wax ka abaabuley isla markaana kamid ah wasaaradaha barnaamijkan fulin doona ayaa sheegay in dhowr wasaaradood oo dowladda federaalka ah iyo wakiilo ka imaanaya dowlad goboleedyada ay ka shaqeyn doonaan hirgelinta mashruucan.

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah, ayaa ka qeybgaliyaashu ku lafa gureen sida ugu haboon ee dadka Soomaalida ay loogu wacyigelin lahaa fekirka xafjirka ah oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan da’yarta.

Arrinta ka qeybgaliyaashu ay ka mideysnaayeen ayaa aheyd, howshan ay noqoto mid qaab wacyigelin ah dadka lagu gaarsiiyo taas oo laga soo bilaabayo bulshada caadiga ah isla markaana culimada iyo dadka kale ee wax galka ah lala kaashado hirgelinta mashruucan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa halkaas ku soo bandhigay qorshe howleed loogu talagalay in lagu fuliyo howshan.

—DHAMMAAD—- 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
Previous Post

Furitaanka Shir Weynaha Qaran Ee Dastuurka Oo Dib Loo Dhigay

Next Post

Dhageyso+ Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in ay wado Qorshayaal looga hortagaayo Saamaynta Abaarta

Next Post
Dhageyso+ Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in ay wado Qorshayaal looga hortagaayo Saamaynta Abaarta

Dhageyso+ Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo sheegtay in ay wado Qorshayaal looga hortagaayo Saamaynta Abaarta

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In