Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo hirgelinaysa Warbaahinta Bulshada isla markaana TV-yada dalka oo dhanka Digital looga dhigi lahaa Warbaahinta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo hirgelinaysa Warbaahinta Bulshada isla markaana TV-yada dalka oo dhanka Digital looga dhigi lahaa Warbaahinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee xarunta Dalka Uganda ayaa halkaasi kula kulmay Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga xirfada, aqoonta, tababarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumwebaze ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Uganda ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Yarisow ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Uganda Mr Frank Tumwebaze ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midtahay xoojinta xiriirka labada Wasaaradood, hirgelinta Warbaahinta Bulshada (Public Broadcaster), sidii TV-yada dalka looga wada dhigi laha Digital iyo sidii ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uga caawin lahaayeen xagga tababbarada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u jooga Uganda si uu u indhadheeyo sida ay Warbaahinta Bulshada (Uganda Broadcasting Coorperation) u shaqeyso iyo sidii ay ku hirgeliyeen mashruuca u guurista digitalka
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
[email protected]

Previous Post

Madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta booqanayo Magaaladda Kismaayo.

Next Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In