Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Hordhigtay Fursadaha Maalgashi Ee Soomaaliya Ka Jira Shir London Ka Dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Hordhigtay Fursadaha Maalgashi Ee Soomaaliya Ka Jira Shir London Ka Dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay maalgashiga wadamada Qaarada Africa oo ay ka qeyb galeen hogaamiyayaal caalamka ka socda Shirkada Caalami ah iyo maalqabeen doonaya in maalgashi ay ku samesytaan Qaaradani lagu soo gaba gabeeyay magaalada London ee Dalka Britain.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa wafdiga shirkaasi Soomaaliya u matalayay ayaa sheegay in Soomaaliya ay hordhigtay isu imaatinkaasi muhiimada Soomaaliya iyo caalamkaba ay u leedahay maalgashi lagu Sameeyo dalkeena, iyadoo si qoto dheer looga hadlay maalgashi lagu sameeyo Africa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiiru dowlaha in shirka uu khudbad ka jeediyay oo uu kaga hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, sida Xoolaha beeraha kaluumeysiga  iyo waxyaabaha kale ee uu dalka hodanka ku yahay oo uu tilmaamay ka qeyb galayaasha shirka in ay u riyaaqeen fursadaha Soomaaliya ka jira.

Shirka sidoo kale shirka waxaa looga hadlay horumarinta bankiyada Africa ayna ka hadleen sida muhiim ay u tahay horumarinta bankiga Dhexe oo uu xusay Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Maxamed Nuur in horumar balaaran uu sameynayo bankiga Aduunkana uu ka gacan siinayo Soomaaliya horumarkaasi.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saakay Degan

Next Post
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saakay Degan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In