Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka aamustay cambaaraynta Jaamacadda Carabta ee Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigtay Siyaasadda Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Dadweynaha “AKHRISO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka gaabsaday war-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa howl-galka Milatari ee uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Dalka Suuriya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar mudane ; Towfiiq Axmed C/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib la yahay Soomaaliya, kana caawiyay waxyaabo badan, sidaa daraaddeedna ay ka gaabsanayaan war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta eek u saabsan howl-galka Turkiga.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

” Turkiga waa Dowlad saaxiib la ah Soomaaliya, waxa ayna xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba naga caawisay dhismaha dhammaan hay’adaha xukuumadda ka dib dagaalladii sokeeye ee Dalka soo maray.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay Jaamacada Carabta ay Garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray.

Danjire; Towfiiq, ayaa xusay in sidoo kale ay jiraan saaxiibbo Carbeed oo sida Turkiga oo kale ka taageeray Soomaaliya xagga dib u dhiska Ciidamada iyo xasilloonida Dalka.

Wuxuu sheegay in ay mar walba Soomaaliya Garab taagan tahay Walaalaha Suuriya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara loo helo mushaakilka siyaasadeed ee ka aloosan gudaha Suuriya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, Towfiiq Axmed, ayaa xalka keliya ee Suuriya ku tilmaamay mid siyaasadeed, laguna dhameeyo wada hadal ay dhinacyada is haya ka qeyb galaan, sida uu qabo cahdiga Jaamacadda Carabta.

Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta oo ku saabsanaa howl-gallada Milatari ee uu Turkigu ka wado Waqooyiga Suuriya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Qaahira, waxana shir Guddoomiyay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Ciraaq mudane; Muxamed  Cali Al-xakiim.

Previous Post

Roobkii Deyrta oo ka curtay qeybo ka mid ah Gobolka Bakool

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In