Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta Caafimaadka Afrika .
Shirkan oo uu hal ku dhiggiisu ahaa “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” ayaa waxaa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada, iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.
Shirkan oo ahaa mid miro dhal ah ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed.