Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynahii Shanaad ee Wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa maanta ka furmayo Xarunta ugu caansan Caasimadda Azerbaijan ee Baku oo lagu magacaabo Hadary Aliyev Center, iyadoo shirkaasi uu Soomaaliya uga qeybgalayo Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax.

Agaasimaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka uu maanta daah furi doono Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo badan, isagoo intaa ku daray inay tahay markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya xubin buuxdo ka noqoto Midowga Wakaaladaha Wararka Caalamka, isla markaana si rasmi ah shirkaasi looga shaacin doono xubinnimada SONNA ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in 18-ka  bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha bandhig sawireed lagu qaban doono Caasimadda Azerbaijan ee Baku, isla markaana ay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan sagaal sawir oo ka turjumaya  dhaqanka, dalxiiska, Jugraafi ahaan halka Soomaaliya ku taalo, taasi oo ka saacideysa in 93 Wakaaladooda wararka ay xog rasmi ah ka helaan Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Wakaaladaha Wararka ee Dalalka Spain, Talyaaniga, Bahrain, Turkey, Koonfur Kuuriya, Kuwait, Malaysia iyo kuwa kale, iyagoo isla meel dhigay heshiisyo horu dhac ah, waxaana ay u balan qaadeen in sanadkiiba mar ay tababbaro siin doonaan shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA.

 

Previous Post

Madax ka socota SONNA oo Maanta ka qeybgalaysa Shirweynaha Wakaaladaha Dunida

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In