Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirweynahii Shanaad ee Wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa maanta ka furmayo Xarunta ugu caansan Caasimadda Azerbaijan ee Baku oo lagu magacaabo Hadary Aliyev Center, iyadoo shirkaasi uu Soomaaliya uga qeybgalayo Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax.

Agaasimaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka uu maanta daah furi doono Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimo badan, isagoo intaa ku daray inay tahay markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya xubin buuxdo ka noqoto Midowga Wakaaladaha Wararka Caalamka, isla markaana si rasmi ah shirkaasi looga shaacin doono xubinnimada SONNA ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in 18-ka  bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha bandhig sawireed lagu qaban doono Caasimadda Azerbaijan ee Baku, isla markaana ay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan sagaal sawir oo ka turjumaya  dhaqanka, dalxiiska, Jugraafi ahaan halka Soomaaliya ku taalo, taasi oo ka saacideysa in 93 Wakaaladooda wararka ay xog rasmi ah ka helaan Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Wakaaladaha Wararka ee Dalalka Spain, Talyaaniga, Bahrain, Turkey, Koonfur Kuuriya, Kuwait, Malaysia iyo kuwa kale, iyagoo isla meel dhigay heshiisyo horu dhac ah, waxaana ay u balan qaadeen in sanadkiiba mar ay tababbaro siin doonaan shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA.

 

Previous Post

Madax ka socota SONNA oo Maanta ka qeybgalaysa Shirweynaha Wakaaladaha Dunida

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In