Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta deegaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Waxaa magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Kulankan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gaba-gabadiisii Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxaana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamada Gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon.

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Mudane; Ciid, ayaa sidoo kale sheegay in shirku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula leeyahay dhinacyada horumarka, degaan wanaagga, Magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maal-gelintiisu leedahay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu Dalalka Gobolka kasii socon doonaa Muddo Afar Sano ah, kaasoo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Previous Post

QM oo deeq Raashiin ah gaarsiisay Dadka ku go’doonsan Magaalada Idlib ee Dalka Suuriya

Next Post

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In