Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka warbaahinta Carabta (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka warbaahinta Carabta (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xiriirka Warbaahinta gaarka loo leeyahayΒ  ayaa dalka Tunisia uga qeyb-galay shirka Warbaahinta Jaamacadda CaraΒ  oo lagu qabtay dalka Tunisia.

Shirkan oo ka dhacaya sanadkan Magaalada Xamaamaad ee Dalka Tunisiya ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimeyaasha warbaahinta Dowladaha Carabta iyo Agaasimayaal ka kala socday hay’adaha madaxa bannaan ee ka jira Dalalka Carabta, Aasiya iyo Yurub.
Shirkan oo Soomaaliya uu ku Β matalaayay Agaasmaha TV-ga Qaranka Soomaaliyeed Mudane Naasir Xasan Xuseen Β oo uu Β ku wehliyay Diblomaasi Fidow Maxamuud Fiidow, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey madasha shirka ee sannadkaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Qodobbada diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa in la xoojiyo xiriirka warbaahinta iyo hey’adaha Β kala duwan ee halkaasi isugu yimid iyo in la joogteeyo kulammadan oo kale si horumarka iyo caqabada jira looga hadlayo, taas oo wax weyn u tari doonta warbaahinta, gaar ahaan midda Soomaaliya.

shirka inta uu socdey waxaa dhacdey doorasho ku saabsaneyd madaxa ururka Warbaahinta Jaamacadda Carabta Β iyo labadiisa ku xigeen, iyadoo madaxa ururka Β ee sannadkaan loo doortay Mudane Maxamed Cawaash oo ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait.

Mudane Maxamed Cawaash oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta Dalka Kuwait oo waraysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya, Β ayaa aad ugu mahad-naqay taageerada weyn ay siiyeen xubnihii ka socday Warbaahinta Soomaaliya, sidoo kalena sheegay in uu taageero u fidin doonno Warbaahnta Soomaaliya sidii ay noqdon lahayd mid awood badan oo dhan walba ka horumarsan.

Agaasimaha SNTV Naasir Xasan Xuseen oo Soomaaliya matalayey, ayaa sheegay in wax badanΒ  ay ka faa’ideen shirka, isla markaana warbaahinta Soomaaliyeed loo muujiyey teegeero xooggan, waxa uu tilmaamay in iskaashiga warbaahinta Carabta uu ku dhisan yahay aqoon kororsi Β iyo ka faa’ideysiga Β nidaamka carsiga ah ee ay hadda ku shaqeeyaan warbaahinta caalamka.

β€œshirka inta uu socdey waxaa bar-bar socdey kulammo muhiim ah oo aan la qaatay agaasimeyaasha dhiggeyga ah ee ka socdey dalalka Carabta, kulammadaas, waxaan xoogga ku saaray in Warbaahinta Soomaaliya laga taageero dhinacyada aqoonta iyo Qalab, sida Telefishinka Qaranka iyo qeybaha kale ee warbaahinta dowladda, sidoo kale in la xoojiyo taageeridda kuwa gaar loo leeyahay, si Soomaalidu ay u hesho warbaahin ka saarta mugdiga, kana run sheegta horumarka dalkooda” ayuu yiri Naasir Xasan Xuseen agaasimaha SNTV.

Soomaaliya ayaa muddo sanado badan kaddib si toos ah u muujisay in ay dib ugu laabatay xubinnimadeedii Warbaahinta Jaamacadda Carabta oo faa’idooyin kala duwan leh, iyadoo sidoo kale Soomaaliya hey’adaheedu ay muujiyeen sida ay u koreen oo ay diyaarka ugu yihiin fulinta howlaha horumarinneed ee loo igmaday.

c c1 c2 c3 c4 c5 c6

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada Jalalaqsi

Next Post
Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka

Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay degmada Jalalaqsi

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In