Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa oo lagu qabtay Dalka Ethiopia

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa oo lagu qabtay Dalka Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa caasimadda Addis Ababa si buuxda uga qayb gashay munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka geeska Africa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaqanka, Dalxiiska iyo Ciyaaraha ee Dawladda Ethiopia.

Related posts

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026

Munaasabaddan waxaa si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isboortiska Ethiopia Kejela Merdassa waxaana lagu qabtay Fagaaraha Maskal ee Addis Ababa, iyadoo dhamaan dalalka munaasabadda ka qayb galay ay goobtaas kusoo bandhigeen arrimaha dhaqanka, fanka iyo farashaxanka ee dalalkooda, taasoo ay bar-bar socotay bandhig dhaqameed mug weyn oo say sameeyeen madaxdii iyo kooxihii kala duwanaa ee metelayey Dawladda Soomaaliya, iyagoo goob fagaaraa ku sameeyey dhoolla tus ka turjumaya ciyaaraha iyo cuntooyinka dhaqan ahaan u gaarka ah Soomaaliya.

Sidookale diplomaasiyiinta Safaaradda JFS ee Ethiopia oo munaasabadda ka qayb galay ayaa kala ah U-qaybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta sare Safaaradda JFS mudane Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, U-qaybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha Safaaradda JFS mudane Mustafe Mahdi Cashuur iyo U-qaybsanaha Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Safaaradda JFS ee Ethiopia, waxaana Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi oo ah u-qaybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta sare ee safaaradda oo kaalin weyn ku lahaa qaban qaabada ka qayb galka Dawladda Soomaaliya ee munaasabaddan uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia iyo Diplomaasiyiinta ka hawlgala ee uu ugu horeeyo Danjiraha Dawladda Soomaaliya ee dalka Ethiopia General Cabdullaahi Axmed Aamac IlkaJiir ayaa si adag ugu diyaar garoobay kobcinta iyo kor u qaadista qiimaha iyo metelaadda ay Soomaaliya ku leedahay dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka Africa, waxaana arrintaas laga dheehan karaa hawlaha diplomaasiyadeed ee hortabinta u leh horumarka Qaranka ee ay gacanta ku hayso safaaradda JFS ee dalkan Ethiopia.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xarumaha Ciidanka ka howlgala degaanka Bariirre.

Next Post

RW Xamse oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Next Post
RW Xamse oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

RW Xamse oo la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Mareykanka ee Afrika

July 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In