Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

Previous Post

Wasiir Ku-xiggeenka Batroolka XFS oo furay Shir diiradda lagu saarayo ka faa’iidaysiga Kheyraadka dalka “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan “Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay dhigiisa Erdogan "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In