Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda koleyga adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda koleyga adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Suuq-geynta Xiriirada Kubadda Koleyga ee Dalalka  Bariga iyo bartamaha Afrika,Injineer Baana Cabdalla Cali, ayaa isaga oo matalaya Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda Koleyga Adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha.

Shirkan oo Afartii Sanaba  mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay 213-ka Dal ee xubanaha ka ah  xariirka Kubadda Koleyga  aduunka ee FIBA oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Muddada uu shirka socday waxaa lagu doortay Mr HamaneNiang  oo u dhashay Dalka Mali,kaas  oo noqday Guddoomiyaha Afarta sano ee soo socota hoggaamin doona xiriirka kubadda Koleyga adduunka ee FIBA Injineer Baana Cabdalla Cali.

Mudane Baana oo ku sugan Magaalada Beijing ee Dalka China ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu guul iyo is Af-garad kusoo dhamaaday shirka, Islamarkaana ugu dambeyn Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga adduunka loo doortay  Mr Hamane Niang,kaas oo xilkan hayn doona illaa iyo Sanadka 2023.

Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu kulan la qaatay masuu’liyiin ka socday qaar kamid ah dalalka shirka kasoo qeybgalay ,wuxuuna bidhaamiyey in ay dhammaantood ballanqaadeen in ay Garab istaagi doonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo Dalka ka wada dadaalo badan oo lagu kobcinayo qeybaha kala duwan ee kubadda Koleyga.

Dhinaca kale,Koobka  kubadda koleyga adduunka ayaa ka furmay Dalka Shiinaha waxaana ka qeyb galaya 32 Dal oo Shan ka mid ah ay ka socdaan Qaarada Afrika, waxaana furitaanka tartankan goob joog ka ahaa masuu’liyiin kala duwan  oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka China, Xi Jinping.

Waxaana dhanka Soomaaliya furitaanka uga qeyb galay Injineer Baana Cabdalla Cali oo ka mid ah masuu’liyiinta xiriirka kubadda Koleyga ee Dalalka  Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis+Sawirro

Next Post

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur ‘Janan’

Next Post
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur ‘Janan’

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur 'Janan'

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In