Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda koleyga adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
September 1, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda koleyga adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Suuq-geynta Xiriirada Kubadda Koleyga ee Dalalka  Bariga iyo bartamaha Afrika,Injineer Baana Cabdalla Cali, ayaa isaga oo matalaya Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee xiriirada kubadda Koleyga Adduunka oo ka dhacay Dalka Shiinaha.

Shirkan oo Afartii Sanaba  mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay 213-ka Dal ee xubanaha ka ah  xariirka Kubadda Koleyga  aduunka ee FIBA oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Muddada uu shirka socday waxaa lagu doortay Mr HamaneNiang  oo u dhashay Dalka Mali,kaas  oo noqday Guddoomiyaha Afarta sano ee soo socota hoggaamin doona xiriirka kubadda Koleyga adduunka ee FIBA Injineer Baana Cabdalla Cali.

Mudane Baana oo ku sugan Magaalada Beijing ee Dalka China ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu guul iyo is Af-garad kusoo dhamaaday shirka, Islamarkaana ugu dambeyn Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga adduunka loo doortay  Mr Hamane Niang,kaas oo xilkan hayn doona illaa iyo Sanadka 2023.

Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa dhinaca kale tilmaamay in uu kulan la qaatay masuu’liyiin ka socday qaar kamid ah dalalka shirka kasoo qeybgalay ,wuxuuna bidhaamiyey in ay dhammaantood ballanqaadeen in ay Garab istaagi doonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo Dalka ka wada dadaalo badan oo lagu kobcinayo qeybaha kala duwan ee kubadda Koleyga.

Dhinaca kale,Koobka  kubadda koleyga adduunka ayaa ka furmay Dalka Shiinaha waxaana ka qeyb galaya 32 Dal oo Shan ka mid ah ay ka socdaan Qaarada Afrika, waxaana furitaanka tartankan goob joog ka ahaa masuu’liyiin kala duwan  oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka China, Xi Jinping.

Waxaana dhanka Soomaaliya furitaanka uga qeyb galay Injineer Baana Cabdalla Cali oo ka mid ah masuu’liyiinta xiriirka kubadda Koleyga ee Dalalka  Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis+Sawirro

Next Post

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur ‘Janan’

Next Post
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur ‘Janan’

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo faah faahiyay howl-gal lagu soo xiray Eedeysane C/rashiid Xassan Nuur 'Janan'

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In