Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Kaga Qeyb gashay Qaahira Bandhiga Buugaagta Caalamiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Kaga Qeyb gashay Qaahira Bandhiga Buugaagta Caalamiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddo 25 sano kaddib ayaa Soomaaliya waxa ay ka qeyb gashay bandhiga buugaagta Caalamiga oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo bandhigaasi ay ka qeyb galeen qorayaal Soomaaliyeed iyo milkiilayaasha Maktabadaha ee Soomaaliyeed.

Furitaanka bandhiga buugaagta caalamiga iyo carabta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul wasaaraha dalka Masar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi, iyadoo Ra’isul wasaaraha uu booqday Soomaali ku sugan dalka Masar, isagoo u hambalyeeyay qorayaasha Soomaaliyeed oo uu ku ammaanay in door muuqata ay ka qaateen horumarinta dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Axmed Maxamed Buqaari oo ah cilmi baare Soomaaliyeed kana qeyb galaya bandhigaasi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya doorkii ay ku laheyd Soomaaliya caalamka ay la soo laabatay islamarkaana ay ka qeyb galeyso shirar caalami ah oo tuaale u soo qaatay bandhigani oo markii ugu horeysay ay ka qeybgaleyso.

Bandhiga buugaagta oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkani waxaa marti galisay Dowladda Masar, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galeen 26 wadan oo Soomaaliya ay ku jirto, waxaana ka qeyb galka bandhigaasi uu ka dhigan yahay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka islamarkaana uu ka muuqanayo calanka Soomaaliya shirarka caalamiga ah taasi oo amaanteeda ay leedahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal dheer u gashay wanaajinta xiriirka caalamiga ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha “SAWIRRO”

Next Post
DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha “SAWIRRO”

DAAWO-Nalalka cad ceedda ku shaqeeya oo laga hirgeliyay Jidka Warshadaha "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In