Warbixintaan oo sannadle ah ayaa lagu qiimeeyaa waddamada ugu amniga badan iyo tobanka dal ee ugu amni darrada badan caalamka, sida ay baahiso Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha Amniga caalamka iyo deganaanshihiisa.
Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah oo ay aamisan tahay ahey’adda Globol Law and Order Index.
Liiska 10-ka dalka ee ugu badni darrada badan waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.
1. Sierra-Leone
2. Botswana
3. Dominican Republic
4. Mexico
5. South Africa
6. Liberia
7. Gabon
8. South Sudan
9. Afghanistan
10. Venezuela
Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmibaarits iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.
Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.
Ciidanka Soomaaliya ayaa dhabar jebiyey Al-shabaab oo dagaallada ay wadaan u baddelay kuwa gaadmo ah iyo weerarro is qarxin ah oo ay si adag kuwa badan uga hortagaan ciidanka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa in ay cagaha u dhigto amnigeeda, xilli ay socdaan dhismaha iyo dib u habbeynta hey’adaha iyo ciidammada amniga, waa mid ka mid ah fursadaha tusaalaha u ah dowladda Federaalka Soomaaliya in laga saaro Liiska dalalka degnaansho la’aanta amni uu ka jiro, sida ku cad warbixinta hey’adda Globol Law and Order Index.
SONNA.