Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo laga xusay maalinta Aidiska Adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka  ayaa lagu qabtay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan ee dowladda, xildhibanano, mas’uuliyiin ka socday haya’daha Caalamiga ah ee ka howlgala  Dalka iyo Gudiga ka hortagga Xanuunka HIVee Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya SCAC, Culummo, Dhallinyaro, Haween, dadka la nool HIV/ADIS-ka iyo marti-Sharaf kale.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC, iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin ka jeediyay guddoomiyaha guddiga SCAC, Axmed Maxamed Jimcaale isagoo si faahfaahsan ugu warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo caqabadihii ka hor-yimid, isagoo sheegey in dadka la nool xannuunka HIV ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah,

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Sidoo kale, Jimcaale ayaa intaas ku daray in guddiga uu dajiyay qorashaal la doonayo in wax loogu qabto dadka la nool xanuunkan qorshahaas oo uu ku sheegay inuu yahay in ay Dhamaato Faquuqa lagu hayo Dadka la nool Xanuunka HIV wuxuuna si gaar ah uga Codsadey Dowlada in ay dadkaa Caawiyaan

Mr Axmed Maxamed Jimcaale waxaa uu sheegey in Haalku dhiga sanadkaan la isla qaatey uu yahay in “QOF WALIBA UU HELO CAAFIMAAD” waxaa uu sheegey inm Guddigha ka hortagga xanuunka HIV uu dhawaan uu bilaabi doono Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan  in gabi ahaan dalka laga joojiyo Xadgudyada loo geysnayo Dadka la nool Xanuunkaas

Xafladda waxaa kaloo ka Hadley Guddoomiyaha Dadka la nool Xanuunkaas Shiikh Sayid Shiikh  Abba waxana uu sheegey  in dowlada federaalka Soomaaliya  aysan meel-marin ballan-qaadyo ay hore u sameysay oo ah in la caawiyo dadka la nool xannuunkan, wuxuuna si gaar baaq ugu jeedisay ganacstada Shirkadaha, Hay’adaha Samafalka Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay garab-is-taagaan dadkaas.

Madaxa Agaasinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya qaybteeda Xanuunka HIV/AIDS-ka, Sacdiya Cabdisamad  oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa waxay ballan-qaaday in wax laga qaban doono cabashada ka soo yeertey dadka la nool xannuunkaas, gaar ahaan sidii loo daryeeli lahaa sidoo kale ku boorisay qaybaha bulshada Soomaaliyeed inay u gar-gaaraan dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka.

Sanator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare  ah oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri; “Weli horumarku waa mid gaabis ah, waxaa loo baahana yahay in Dowlada Federaalka iyo Hayadaha Samafalka ay ka qayb-qaadato sidii gaabiskaas loo dhameystiri lahaa si dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka ay u helaan daryeel guud maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul bulshada.”

Xubnhii kale ee Kulankaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dalada Bulshada Rayidka SOSCENSA Diini Maxamed Diini waxaa uu sheegey in Dadka Soomaaliyeed ay aad ugu Dhiban yihiin sidii ay daryeel Caafimaad u heli lahaayeen , isagoo ka Codsadey Wasaarada caafimaadka in ay  isbedel weyn oo Dhinaca Caafimaadka ah la timaado

Maxamed Cabdulaahi Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Maxamed  oo labadooda ka socdey Wasaaradda caafimaadka ayaa waxay Sheegeen in Baaris la sameeyey lagu ogaadey in weli ay jirto Faquuq lagu hayo Dadka la nool Xanuunka HIV,iyagoo ugu baaqey Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay u istaagaan sidoo loo joojin lahaa Faquuqaas

Gunaanadkii waxaa kulanka ka hadashay Wasiirada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Drs Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa u mahad-celisay intii isku soo dubaridday Munaasabaddaan, gaar ahaan waxay u mahad-celisey guddiga ka hortagga HIV/AIDS SCAC oo ay sheegtay inay qabteen hawl muhiim ah.

“Marka la fiiriyo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa la nool xanuunka AIDS-ka dad fara badan sidaa darteed  waxaa jira baahi dhinaca wacyi-gelinta ah sidaa darteed dowladda Soomaaliya waxaa ka  go’an inay wax u qabato dadka la nool xannuunkan” waxayna halkaa ka balan qaadey in ay Xooga saari doonto sidii loo Caawini lahaa Dadka la Nool Xanuunka HIV.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC ayaa Munaasabadaas ku Daahfurey Barnaamij Bulshada looga wacyigelinayo sidii loo joojin lahaa  Faquuqa (Stigma)  lagu hayo dadka la nool Xanuunka HIV-ga.

Previous Post

Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigay waxqabadkooda

Next Post

Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay “SAWIRRO”

Next Post
Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay “SAWIRRO”

Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Aduunka oo Muqdisho laga xusay "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In