Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag magdhow ah oo wax loogu qabanayo dadka uu saameeyay abaaraha ku dhuftay dalkeenna ee ka dhashay isbadalka Cimillada.

Munaasabad lacagta magdhawda ah lagu wareejinayay Hay’adda SoDMA oo Soomaaliya wakiil uga ah barnaamijkan ceymiska la xiriira, kana timid Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC ayaa waxaa ka qeybgalay wafdi ka socda Baarlamaanka JFS oo kala matalayay guddiga Maaliyadda, Guddiga Arrinaha gudaha ee Baarlamaanka Guddiga Beeraha, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Madaxda Hay’adda SoDMA, Wakiilo ka socday Hay’adaha caalamiga ah START NETWORK oo shaqo wadaag la ah SoDMA, IGAD iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Shirkan oo ah mid loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya, oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda ARC, isla markaana socday muddo 5 cisho ah ayaa ujeedkoodu yahay in lacagta lagu maareeyo ku dhawaad 50 kun oo qof oo ay sameeyeen abaarta ku dhufatay Dalkeenna.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in 85% wax soo saarkii dalagyada uu baaba’ay, lacagtana lagu caawin doono bulshada nugul.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Saleymaan Sheekh Cumar ayaa xusay in barnaamijkan uu wax badan ka badali doono abaarta soo noqnoqotay .

Xildhibaan Maxamed Haaruun oo ku hadlayay magaca Xildhibaannada ayaa xusay in tani ay tahay talaabo wanaagsan oo loogu gurmanayo shacabka Soomaaliyeed

Hay’adda ARC oo la aas aasay 2012kii ayaa Soomaaliya waxa ay xubin buuxdo ka noqotay sanadkii 2021ka kadib markii ay buuxiyeen shuruucdii ku biirista Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika

Previous Post

Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Next Post

Tartamayaasha Bardaale oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Bardaale oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Tartamayaasha Bardaale oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In