Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 20, 2025
in Barnaamijyada, Wararka
0
Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 23–aad ee wareegga Labaad kulankiisa 7-aad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma  jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boobdheere waxay noqotay Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir qaade:- KhadarCali Nuur

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray Degmada Cadale si uu u dardargeliyo howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Next Post
Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag loogu talagalay Maareynta Musiibooyinka

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In