Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casho sharaf u sameysay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Tanzania, iyadoo la xoojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo sidii loo sahamin lahaa wadashaqeynta dhinacyada muhiimka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, Danjire Maxamuud Thabit Kombo, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaqiijinta danaha wadaagga ah ee dhinacyada horumarka, amniga, iyo isdhexgalka Gobolka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Fanka iyo Isboortiga ee Tanzania, Mudane Dr. Pindi Hazara Chana, iyo masuuliyiin kale kuwaas oo diiradda saaray horumarinta iskaashiga dalxiiska ee labada dal.

Wadashaqeynta caafimaadka ayaa si weyn u soo muuqatay, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Tansaaniya, ay ka qeybgaleen munaasabadda.

Dhinaca difaaca, Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa la kulmay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Tansaaniya, General Salum Haji Othman, si ay uga wada tashadaan istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo amniga iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Casho sharaftan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Mudane Xamse Xaadow, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Munaasabaddan heerka sare ahi waxa ay muujinayaa sida ay Soomaaliya iyo Tanzania uga go’an tahay kobcinta xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan, horumarinta labada dhinac, iyo iskaashiga gobolka si ay uga faa’iidaystaan labada dhinac.



Previous Post

Dowladda oo dib u soo celisay in ka badan 140 muwaadiniin ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha Safaraadda Suudaan

Next Post
Madaxweynaha JFS oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha Safaraadda Suudaan

Madaxweynaha JFS oo xaaladda dalka Suudaan ka dhagaystay siihayaha Safaraadda Suudaan

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In