Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 weeks ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Screenshot

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gudbisay dukumentiga ansixinta Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo sidaas ku noqotay dalkii 50-aad ee xubin rasmi ah ka noqda Heshiiska.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee JFS, Mudane Amb. Gamal Mohamed Hassan, ayaa dukumentiga ansixinta si rasmi ah ugu gudbiyey Midowga Afrika, munaasabad ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Gudbinta dukumentigan ayaa soo gebagebeysay hannaanka rasmiga ah ee ansixinta Heshiiska, kaddib markii uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Maanta, Soomaaliya waxay noqotay dalkii 50-aad ee xubin rasmi ah ka noqda AfCFTA. Hawsha inoo taalla hadda waa inaan diyaarinno habraacyada canshuuraha iyo kastamka, ganacsatada Soomaaliyeedna ka taageerno buuxinta shuruudaha ganacsiga muddada dheer, una dhaqaaqno dhoofinta shixnaddeena ugu horreysa ee aan ku fulineyno Heshiiska. Ansixintan waxay horseedaysaa suuqyo ballaaran, ganacsi xooggan iyo shaqo abuur badan,” ayuu yiri Wasiir Gamal.

Ka mid noqoshada AfCFTA waxay ganacsiyada Soomaaliyeed u furaysaa fursado ay ku gaaraan suuqyada qaaradda, ku soo jiitaan maalgashi shisheeye, ku kordhiyaan wax-soo-saarka iyo dhoofinta, ugana qayb qaataan silsiladaha qiimaha ee gobolka, si loo taageero horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa hoggaamin doonta hirgelinta Heshiiska, iyadoo diiradda saari doonta waafajinta waajibaadka AfCFTA ee shuruucda iyo habraacyada dalka, xoojinta isku-dubbaridka hay’adaha iyo diyaarinta ganacsatada Soomaaliyeed si ay uga faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee Heshiiska.<br>Si hawshan loo dardargeliyo, Wasaaraddu waxay dhistay Xafiiska Qaranka ee Isku-dubbaridka AfCFTA (NCO), kaas oo hoggaamin doona isku-dubbaridka iyo dhaqangelinta Heshiiska. Xafiisku wuxuu fududeyn doonaa wada-shaqeynta hay’adaha federaalka, dowlad-goboleedyada, ganacsatada iyo daneeyayaasha kale, si shuruucda, siyaasadaha iyo habraacyada ganacsi ee Soomaaliya loo waafajiyo waajibaadka AfCFTA.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq u jeedinaysaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddiga Midowga Afrika, Xoghaynta AfCFTA iyo dhammaan saaxiibbada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Soomaaliya ku taageeray hannaanka ansixinta Heshiiska.

FB_IMG_1788590446239.jpg

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In