Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashi la xiriira sahminta iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah (critical minerals). Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda Soomaaliya ee ku wajahan ka mid noqoshada silsiladaha caalamiga ah ee tamarta iyo macdanta istaraatiijiga ah.

Iskaashigan oo lala yeeshay mas’uuliyiinta West Virginia ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha Soomaaliya, shirkadaha Mareykanka, iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ee xiisaynaya horumarinta waaxda macdanta iyo warshadaha la xiriira.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

Qiimeynno hordhac ah ayaa muujinaya in Soomaaliya ay leedahay fursado ku saabsan macdano istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan rare earth elements. Iyadoo baahida caalamiga ah ay sii kordhayso, Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa horumarinta khayraadkeeda si masuuliyad leh iyadoo fursadaha maalgashiga ku xireysa khibradaha warshadaha caalamiga ah.

Heshiiska Is-afgaradka ma bixiyo oggolaansho soo saarid macdan mana wareejinayo xakamaynta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo si buuxda ugu hoos jira madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale, Golaha Sharci-dejinta West Virginia ayaa meel mariyey qaraar taageeraya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana dhiirrigelinaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Next Post

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In