Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Intii lagu guda jiray wada-hadalka, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Wasiir Fiqi ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Dowladda Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida buuxda ee Soomaaliya ku qabto in Dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadahan, isagoo sidoo kale xaqiijiyay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Previous Post

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Next Post

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In