Tuesday, February 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo qayb ka ah Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub oo looga hadlayo illaalinta Arrimaha Bulshada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo qayb ka ah Shirka Sanadlaha ee Midowga Yurub oo looga hadlayo illaalinta Arrimaha Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo samatabixinta arrimaha Bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo sanadkaan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkaan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhammaan wadamada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada, ayaa si gaar ah loogu lafa guray tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samatabixinta dalalka soo koroya.

Related posts

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026

Madaxa Barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u metelaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay Dawladda Soomaaliya ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada.

Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samatabixinta dadka tabarta daran iyo dadka ku waxyeeloobay dagaalada, barakaca iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha bulshada muhiimada ay leedahay inay mar kasta ku hawl-galaaan nidaamka ama Qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay arrimaha samatabixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Midowga Yurub Von Der Leyen ayaa dhankeeda Dawladda Soomaaliya ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada, waxayna hoosta ka xaqriiqday inay xoojin doonaan garab istaagga Soomaaliya.

Previous Post

Deegaanka Ximcad ee Gobolka Mudug oo laga hirgeliyay Ceel

Next Post

Golayaasha Baarlamanka oo ka dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka oo dib u eegis ku socoto

Next Post
Golayaasha Baarlamanka oo ka dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka oo dib u eegis ku socoto

Golayaasha Baarlamanka oo ka dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka oo dib u eegis ku socoto

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

Tababar ku Saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 9, 2026
0

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

February 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan bahda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

February 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In