Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Soomaaliya oo samaynaysa kobac dhaqaale oo xowli ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed ka soo saartay heshiis la sheegay in lala galay Shirkadda SKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Warbixin ku saabsan Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda ee 2018-ka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Dunidaan dalkasta waxa lagu qiimeeyaa horumarkiisa heerka dhaqaalihiisu la egyahay oo ku xeran Daqliga ka soo gala gudaha iyo dibada.

Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa Hiigsigaasi sanadkii tegay ee 2018 waxa ay diiradda saartay kordhinta daqliga gudaha.

Go’aanka kordhinta daqligu muusan aheyn mid fudud Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa xoojisay hannaanka canshuur qaadista taasoo sababatay kororka daqliga.

WasaaraddaΒ  ayaa 2018 dhamaan kala wareegtay hey’adaha dowladda canshuurihii ay qaadi jireen, iyadoo Wasaaraddu u weecisay lacagahaas qasnadda Wasaaradda laguna shubay bankiga dhexe ee dowladda, si meesha looga saaro wax is daba marintii ragaadisay kororka daqliga.

Wasaaraddu waxa kale oo ay biloowday qaadista canshuuraha macaashkaΒ  iyo iibka.

Talaabooyinkani waxa ayΒ  keeneen in bil walba ay soo xarooto in ka badan 2,300.000 oo doolar oo dheeri ah tan iyo bishii June ee bartamaha sanadkan, sidaa si laΒ  mid ah qasnadda dowladda waxaa soo galay in ka badan 8 milyan oo ka dheeri lacagahihii la filyay bishii September in daqliga gudaha ay ka soo xaroodaan, tani waxa ayΒ  tusaale u aheed dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ee sanadkaan.

Wada hadalka deen cafinta Soomaaliya ee ka dhaxeeyay hey’adda lacagta aduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa hormar laga sameeyay

Intii lagu jiray 2018 Soomaaliya waxa ay ka gudubtay wajiyadii koowaad iyo labaad ee barnaamijka deen cafinta caalamiga ah oo ay horyaaleen sharuudo ad adag, kuwaas ooΒ  ay ugu muhiimsanaayeen hagaajinta maamulka maaliyadda dalka iyo kordhinta daqliga gudaha.

Sidoo kale wajiga koowaad ee dib u eegista heerka seddaxaad ee barnaamijka deen cafinta Soomaaliya ayay ka gudubtay Wasaaradda maaliyadda sida lagu sheegay warbixinta10-ka December ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka .

Hey’adda lacagta adduunka ayaa amaantayΒ  mas’uuliyiinta Soomaaliya sida ay uga soo baxayaan shuruudaha ku xeeran deen cafinta, iyada oo kooxdii ka socotay hey’adda lacagta adduunkana ee wada hadaladana ay raja badan ka muujiyeen in Soomaaliya sanadka cusub ee 2019-ka ay guul weyn ka gaarto wada hadalada deen cafinta.

Guulaha Soomaaliya ay ka gaartayΒ  kordhinta daqliga gudaha iyo deyn cafinta ayaa keentay in Soomaaliya loogu yabooho lacaga dheeri ah oo la marsiinayo maasiinayada Qaranka, dowladda Soomaaliya ay maamulayso waxaana ka mid ah 140 milyan oo doolar oo bankiga adduunku abaal marin ahaan ugu yaboohay Soomaaliya markii ay ku guuleystay hagaajinta maamulka maaliyadda iyo daqli kordhinta sidookale Midoowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu yaboohday ku dhawaaqay 100 milyan oo lacagta Yuurowga ah oo ay ku tilmaaameen inay ku timid sida Soomaaliya ay u hagaajisay hannaanka maaliyadda, taasi oo ay si toos ah u maamulayso dowladda Soomaaliya laguna shubo Bankiga dhexe Qaranka.

Horaantii bishii November Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka waxa uu xariga ka jaray xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyada dalka, taasoo loo dhisay si loo haqabtiro baahida dhinac xafiisyada ah ee howlwadeenada Wasaaradda Maaliyada.

Korarka daqliga iyo isbadalka dhaqaalaha waxaa uu wax badani ka badalay miisaaniyada dalka, November 17 keediiiΒ  Wasaaradda MaaliyaddaΒ  waxay Barlamaanka Soomaaliya horgeysay qoondada miisaaniyadda Qaranka ee 2019Β  oo dhan 340 milyan oo doolar kana badan miisaaniyadda 2018-ka 66 milyan oo doolar, Β waxaana ugu dambeyn Miisaaniyadda ansixiyay golaha shacabka 30 kii december 2018.

Bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dowladda ayay si joogta ah ugu guuleystay Wasaaradda Maaliyadda 2018 si la mid ah sanadkii ka horeeyay ee 2017-ka

QorshahaΒ  soo daabicida lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ayaa hormar laga sameeyay bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyada oo iskaashanaya.

Daqliga gudaha ee sida xowliga ah u kordhayaΒ  oo lagu daray hagaajinta maamulka maaliyadda ayaa la aaminsan yahay in sanadaha soo aadan Soomaaliya ay ku hogaamin karto in ay ka maaranto deeqaha caalamka ee ay waqtigaan qeyb ahaan ku tiirsan tahay iyo in laga cafiyo deemaha lagu leeyahay.

W/D: Cabdishakuur Cali AxmedΒ 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka+Sawirro

Next Post

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Next Post
Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In