Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Soomaaliya oo samaynaysa kobac dhaqaale oo xowli ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 31, 2018
in Maqaallo, Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed ka soo saartay heshiis la sheegay in lala galay Shirkadda SKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Warbixin ku saabsan Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda ee 2018-ka.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dunidaan dalkasta waxa lagu qiimeeyaa horumarkiisa heerka dhaqaalihiisu la egyahay oo ku xeran Daqliga ka soo gala gudaha iyo dibada.

Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa Hiigsigaasi sanadkii tegay ee 2018 waxa ay diiradda saartay kordhinta daqliga gudaha.

Go’aanka kordhinta daqligu muusan aheyn mid fudud Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa xoojisay hannaanka canshuur qaadista taasoo sababatay kororka daqliga.

Wasaaradda  ayaa 2018 dhamaan kala wareegtay hey’adaha dowladda canshuurihii ay qaadi jireen, iyadoo Wasaaraddu u weecisay lacagahaas qasnadda Wasaaradda laguna shubay bankiga dhexe ee dowladda, si meesha looga saaro wax is daba marintii ragaadisay kororka daqliga.

Wasaaraddu waxa kale oo ay biloowday qaadista canshuuraha macaashka  iyo iibka.

Talaabooyinkani waxa ay  keeneen in bil walba ay soo xarooto in ka badan 2,300.000 oo doolar oo dheeri ah tan iyo bishii June ee bartamaha sanadkan, sidaa si la  mid ah qasnadda dowladda waxaa soo galay in ka badan 8 milyan oo ka dheeri lacagahihii la filyay bishii September in daqliga gudaha ay ka soo xaroodaan, tani waxa ay  tusaale u aheed dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ee sanadkaan.

Wada hadalka deen cafinta Soomaaliya ee ka dhaxeeyay hey’adda lacagta aduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa hormar laga sameeyay

Intii lagu jiray 2018 Soomaaliya waxa ay ka gudubtay wajiyadii koowaad iyo labaad ee barnaamijka deen cafinta caalamiga ah oo ay horyaaleen sharuudo ad adag, kuwaas oo  ay ugu muhiimsanaayeen hagaajinta maamulka maaliyadda dalka iyo kordhinta daqliga gudaha.

Sidoo kale wajiga koowaad ee dib u eegista heerka seddaxaad ee barnaamijka deen cafinta Soomaaliya ayay ka gudubtay Wasaaradda maaliyadda sida lagu sheegay warbixinta10-ka December ay soo saartay hey’adda lacagta adduunka .

Hey’adda lacagta adduunka ayaa amaantay  mas’uuliyiinta Soomaaliya sida ay uga soo baxayaan shuruudaha ku xeeran deen cafinta, iyada oo kooxdii ka socotay hey’adda lacagta adduunkana ee wada hadaladana ay raja badan ka muujiyeen in Soomaaliya sanadka cusub ee 2019-ka ay guul weyn ka gaarto wada hadalada deen cafinta.

Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay  kordhinta daqliga gudaha iyo deyn cafinta ayaa keentay in Soomaaliya loogu yabooho lacaga dheeri ah oo la marsiinayo maasiinayada Qaranka, dowladda Soomaaliya ay maamulayso waxaana ka mid ah 140 milyan oo doolar oo bankiga adduunku abaal marin ahaan ugu yaboohay Soomaaliya markii ay ku guuleystay hagaajinta maamulka maaliyadda iyo daqli kordhinta sidookale Midoowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu yaboohday ku dhawaaqay 100 milyan oo lacagta Yuurowga ah oo ay ku tilmaaameen inay ku timid sida Soomaaliya ay u hagaajisay hannaanka maaliyadda, taasi oo ay si toos ah u maamulayso dowladda Soomaaliya laguna shubo Bankiga dhexe Qaranka.

Horaantii bishii November Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka waxa uu xariga ka jaray xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyada dalka, taasoo loo dhisay si loo haqabtiro baahida dhinac xafiisyada ah ee howlwadeenada Wasaaradda Maaliyada.

Korarka daqliga iyo isbadalka dhaqaalaha waxaa uu wax badani ka badalay miisaaniyada dalka, November 17 keediii  Wasaaradda Maaliyadda  waxay Barlamaanka Soomaaliya horgeysay qoondada miisaaniyadda Qaranka ee 2019  oo dhan 340 milyan oo doolar kana badan miisaaniyadda 2018-ka 66 milyan oo doolar,  waxaana ugu dambeyn Miisaaniyadda ansixiyay golaha shacabka 30 kii december 2018.

Bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dowladda ayay si joogta ah ugu guuleystay Wasaaradda Maaliyadda 2018 si la mid ah sanadkii ka horeeyay ee 2017-ka

Qorshaha  soo daabicida lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ayaa hormar laga sameeyay bankiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyada oo iskaashanaya.

Daqliga gudaha ee sida xowliga ah u kordhaya  oo lagu daray hagaajinta maamulka maaliyadda ayaa la aaminsan yahay in sanadaha soo aadan Soomaaliya ay ku hogaamin karto in ay ka maaranto deeqaha caalamka ee ay waqtigaan qeyb ahaan ku tiirsan tahay iyo in laga cafiyo deemaha lagu leeyahay.

W/D: Cabdishakuur Cali Axmed 

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka+Sawirro

Next Post

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Next Post
Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay “SAWIRRO”

Dib u howlgelinta Isbitaalka Xudur oo halsano jirsatay "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In