Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa maanta ka qayb-galay shirka Wadamada Carabta ee Horumarinta Beeraha (Arab Organization for Agricultural Development) oo ay Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS heyso xilka Guddoomiyaha Golaha Guud ee Mudannamada.
Wasiir Axmed Baashi oo shir gudoomiyay madashaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoo ku booriyey waddamada ku mideysan ururkaas iney maalgashi ku sameystaan waxsoo saarka beeraha Soomaaliya iyo in la iska kaashado horumatinta beeraha.
Sidoo kale waxaa shirkaas isna qayb ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Sudan Danjire Maxamed Sheekh Isaaq.