Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shirka Geneva ku soo bandhigtay horumarrada xuquuqul Aadanaha-Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo shirka Geneva ku soo bandhigtay horumarrada xuquuqul Aadanaha-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha wafdiga Soomaaliya ku metelaya shirka caalamiga ah ee gudiga ka shaqeynta xaquuqda aadanaha dunida ee (UPR) kaas oo ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland,ayay ku soo bandhigeen warbixinta xaquuqul aadanaha Soomaaliya 24-kii Juun oo ku beegneyd Jimcihii la soo dhaafay.

Warbixinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la fuliyay talooyinkii Xuquuqda Aadanaha ku saleysnaa ee lasoo jeediyay bishii Jannaayo ee sanadkan 2016-ka oo ku aadanaa Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Qodobbadaas, ayaa Waxaa ka mid ah; Meel-marintii uu baarlamanka Soomaaliya meel-mariyay guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo sidoo kale golaha Wasiirada Soomaaliya oo iyaguna ansixiyay sharciga siyaasadda jinsiga qaranka.

Xubnaha metelayay Soomaaliya, ayaa waxay intaas ku dareeen in 168 talooyin ah ay Aqbaleen, halka ay Kulankii hore ee guddiga UPR ay aqbaleen soo jeedinnada in ka badan 155 talo.

Qeyb ka mid ah warbixinta waxaa guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ka hor jeedisay Marwo Faduma Cabdullahi Maxamuud, danjiraha Soomaaliya ee Switserland iyo hey’addaha Qaramada Midoobay ee Geneva.

Intii kulanku socday ayaa waxaa la sheegay in Soomaaliya ay 60 talo oo ka mid ahaa talooyinkii horay loo siiyay aan la fulin. Talooyinkaas oo la sheegay in lagu heshiiyay in Wada-tashiyo lagala sameeyo hay’adaha dowliga ah ee ay khuseyso, si ay u aqbalaan.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ballan-qaadday in ay xoogga saarayso sidii loo fulin lahaa talooyinka ay aqbashay ee xuquuqda aadanaha dalka ku la xiriira, inta lagu jiro afarta sano ee soo socda.

Kulankan caalamiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100 dal, kuwaas oo qaar ka mid ay amaaneen horumarrada ay sameysay Soomaaliya, iyo aqbalaadeeda 168-ka talo ee cusub, ayna ka go’an tahay fulintooda.

Ugu dambeyn, horumarka dhanka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulanka caalamiga ah ee guddiga xuquuqul aadanaha ee adduunka oo la qaban doono sanadka 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Soomaaliya ka jeedisay kulanka UPR, ayaa waxaa diyaarinteeda gacan weyn ka geystay, Maxamed Cilmi Naaleeye, oo ah qareen Xuquuqul aadanaha ah.

Screen Shot 2016-06-24 at 10.36.51 Screen Shot 2016-06-24 at 10.55.58 Screen Shot 2016-06-24 at 11.00.08 Screen Shot 2016-06-24 at 11.00.38 Screen Shot 2016-06-24 at 20.31.00

http://webtv.un.org/watch/

Previous Post

Maalinta xoriyadda Jabuuti oo la xusay

Next Post

Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In