Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo shirka Geneva ku soo bandhigtay horumarrada xuquuqul Aadanaha-Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo shirka Geneva ku soo bandhigtay horumarrada xuquuqul Aadanaha-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha wafdiga Soomaaliya ku metelaya shirka caalamiga ah ee gudiga ka shaqeynta xaquuqda aadanaha dunida ee (UPR) kaas oo ka socday magaalada Geneva ee dalka Switzerland,ayay ku soo bandhigeen warbixinta xaquuqul aadanaha Soomaaliya 24-kii Juun oo ku beegneyd Jimcihii la soo dhaafay.

Warbixinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la fuliyay talooyinkii Xuquuqda Aadanaha ku saleysnaa ee lasoo jeediyay bishii Jannaayo ee sanadkan 2016-ka oo ku aadanaa Xuquuqda Aadanaha Somalia.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Qodobbadaas, ayaa Waxaa ka mid ah; Meel-marintii uu baarlamanka Soomaaliya meel-mariyay guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo sidoo kale golaha Wasiirada Soomaaliya oo iyaguna ansixiyay sharciga siyaasadda jinsiga qaranka.

Xubnaha metelayay Soomaaliya, ayaa waxay intaas ku dareeen in 168 talooyin ah ay Aqbaleen, halka ay Kulankii hore ee guddiga UPR ay aqbaleen soo jeedinnada in ka badan 155 talo.

Qeyb ka mid ah warbixinta waxaa guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ka hor jeedisay Marwo Faduma Cabdullahi Maxamuud, danjiraha Soomaaliya ee Switserland iyo hey’addaha Qaramada Midoobay ee Geneva.

Intii kulanku socday ayaa waxaa la sheegay in Soomaaliya ay 60 talo oo ka mid ahaa talooyinkii horay loo siiyay aan la fulin. Talooyinkaas oo la sheegay in lagu heshiiyay in Wada-tashiyo lagala sameeyo hay’adaha dowliga ah ee ay khuseyso, si ay u aqbalaan.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ballan-qaadday in ay xoogga saarayso sidii loo fulin lahaa talooyinka ay aqbashay ee xuquuqda aadanaha dalka ku la xiriira, inta lagu jiro afarta sano ee soo socda.

Kulankan caalamiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa in ka badan 100 dal, kuwaas oo qaar ka mid ay amaaneen horumarrada ay sameysay Soomaaliya, iyo aqbalaadeeda 168-ka talo ee cusub, ayna ka go’an tahay fulintooda.

Ugu dambeyn, horumarka dhanka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulanka caalamiga ah ee guddiga xuquuqul aadanaha ee adduunka oo la qaban doono sanadka 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Soomaaliya ka jeedisay kulanka UPR, ayaa waxaa diyaarinteeda gacan weyn ka geystay, Maxamed Cilmi Naaleeye, oo ah qareen Xuquuqul aadanaha ah.

Screen Shot 2016-06-24 at 10.36.51 Screen Shot 2016-06-24 at 10.55.58 Screen Shot 2016-06-24 at 11.00.08 Screen Shot 2016-06-24 at 11.00.38 Screen Shot 2016-06-24 at 20.31.00

http://webtv.un.org/watch/

Previous Post

Maalinta xoriyadda Jabuuti oo la xusay

Next Post

Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Duqa Muqdisho oo dhir ku beeray waddada Maka Al-mukarama+Sawirro

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In