Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 23, 2023
in Wararka
0
Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyey shir duceed looga hadlayey dabar-goynta cudurka cagaarshowga iyo gaarista hiigsiga dhammaadka cudurkan oo la madliyey gebagebadiisa 2030-ka kaas oo lagu qabtay magaalada New york ee uu ka socdo shirka Golaha loo dhany ahay ee Qaramada Midoobey.

Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa yiri “Ciribtirka cagaarshowga Soomaaliya gaar ahaan meelaha dhowaan la xoreeyay ee ay kooxaha argagixisadu muddo tobanaan sano ah gacanta ku hayeen waxey ka mid tahay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee xadidan, waxaanse ku dadaaleynaa inaan tabarteena isugu geyna sidii aan u ciribtiri lahayn inagoo kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah ee na taageera”.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in tobankii sano ee la soo dhaafay, daryeelka caafimaadka uu sameeyay horumar la taaban karo, oo ay ugu horreyso maalgashi la taaban karo oo ka yimid waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo tabarucaadka deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

“Bishii Nofeembar 2022, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xafiis u gaar Ciribtirka Cagaarshowga iyo la tacaalidda dadka qaba xanuunka cagaarshowga si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan iyo sidii ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa cudurkan, taasoo qayb ka ah dadaallada imika socda, waxaan ku faraxsanahay inaan ku biirnay Kooxda Saaxiibada ee Qaramada Midoobay ee  Ciribtirka Cagaarshowga si loo baabi’iyo fayriska Cagaarshowga” ayuu Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

 


Previous Post

One year on, major strides have been made in the war against the Al-Shabaab 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In