Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo u dabaaldegeysa guul taariikhi ah kaddib cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo u dabaaldegeysa guul taariikhi ah kaddib cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanduuqa dhaqaalaha Adduunka oo magaciisu loo soo gaabiyo IMF iyo Bangiga Adduunka qaybta IDA (oo bixiyo deyn aan dulsaar lahayn iyo gargaar horumarineedba) ayaa Soomaaliya u oggolaaday in laga cafiyo deymaha.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Dowladda Federaalka ay ku guuleysatay dhamaystirka barnaamijka loogu talagalay in lagu samatabixiyo dalalka saboolka ah ee deymaha faraha badan lagu leeyahay oo loo yaqaan (HIPC).

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Go’aankan muhiimka ah wuxuu hoos u dhigayaa deynta dibadda ee Soomaaliya oo u dhiganaa 64% ee dakhliga dalka sanadkii 2018, halka uu dhamaadka 2023 noqon doono wax ka hooseysa 6%.

Deyn Cafinta ama dib-u-qaabaynta deynta, waxay ku timid taageerada deyman-bixiyeyaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin IMF, IDA, Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), iyo hay’ado kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaalka xukuumadaha soo maray dalka 10kii Sano ee la soo dhaafay ay ka geysteen ilaa heerkan laga soo gaaray.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa iftiimiyay dadaalada lagu bixiyay soo kabashada dhaqaalaha Qaranka, taasoo keentay kororka dakhliga gudaha, adkeynta maamulka maaliyadda dawladda, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha.

Wasiirka ayaa sheegay in horumarkaasi lagu gaaray iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin Isbadalka Cimilada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Maamulka IMF iyo Bangiga Adduunka aya bogaadiyay u hoggaansanaanta dalka ee shuruudaha (HIPC), xilli uu dalka wajahayay dhibaatooyin ay ka mid yihiin Caabuqa COVID-19 iyo khataraha amniga, .

Agaasimaha IMF ee Bariga Dhexe” Jihad Azour”, ayaa bogaadiyay dib u soo kabashada Soomaaliya ka dib dagaallada sokeeye iyo dadaallada siyaasadeed, halka ku xigeenka madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Victoria Kwakwa, ay ammaantay dib-u-habaynta ku socoto dhaqaalaha dalka oo qeyb ka qaadanaysa dhimista faqriga.

Dowladda Soomaaliya ayaa u taagan sii wadida dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, kadib dhamaystirka barnaamijka (HIPC), iyadoo kaalmo farsamo oo joogto ah iyo hagitaan siyaasadeed ka heleysa Bangiga Adduunka iyo IMF. Bangiga Adduunka ayaa diiradda saari doonaa shanta sano ee soo socota dhisidda hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deymaha ayaa Soomaaliya ka dhigaysa waddankii 37-aad ee dhamaystira barnaamika (HIPC) tan iyo markii la aasaasay 1996.

Guushan taariikhiga ah kaliya ma aha in ay calaamad u tahay isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay guusha iskaashiga caalamiga ah ee ku aadan kobcinta dhaqaalaha adduunka iyo dhimista saboolnimada.

 

 

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay deyn cafinta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In