Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ugu baaqday Wadamada Carabta inay gacan ka geystaan wax ka qabashada abaaraha ku dhuftay dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ugu baaqday Wadamada Carabta inay gacan ka geystaan wax ka qabashada abaaraha ku dhuftay dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hadal ka jeediyay kulanka wadatashiga ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut , isagoo diiradda ku saarray khudbaddiisa xaaladda bani’aadannimo, siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee taaggan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa hoggaaminayay Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka Wadatashiga oo looga dooday gogol-xaarka Shir Madaxeedka Carbeed ee la filayo inuu ku qabsoomo dalka Aljeeriya horaanta bisha November, waxaana wafdigiisa ka mid ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xaaladda abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Abuubakar.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqay dowladaha carbeed inay taageeraan Soomaaliya si loo xakameeyo abaarta soo noq-noqotay iyo inay maalgeshi toos ah ku sameeyaan dalka si loo gaaro kobac dhaqaale , una kordho wax-soo-saarka beeraha , iyadoo la ogsoonyahay in dalku ka jiraan abaaro daran iyo dhibaato ka dhalatay cunno yarida oo ay sabab u tahay sare u kaca qiimaha shidaalka , cunnada iyo badeecadaha.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka BFS oo galay fasaxa Xajka iyo Ciidul Adxa

Next Post

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Next Post
Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In