Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Soomaaliya oo 30 sano kaddib yeelatay qorshe Qaran+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
Soomaaliya oo 30 sano kaddib yeelatay qorshe Qaran+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya , guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey qorshaha dowladda ee saddexda sannao ee soo socota.

Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaailya, ayaa ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey Qorshaha dowladda ee saddexda sanno ee soo socota.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Qorsha Qaran oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa soo socdey muddo sanad bar, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Soomaailya, mudane Cabdullaahi Sheekh Cali, ayaa sheegay in faa’iidada uu leyahay qorsha in uu yahay in dalka laga saaro marxalad dhaqaale yari.

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ayaa sharraxaad faah-faahsan ka bixiyey ahmiyadda barnaamijka Qorshe Qaran, waxa uu sheegay in nuxurka ugu weyn uu yahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka, meeshana looga saari laha saboolnimada, qorshahaanna lagu howlgalo doono muddo saddexda sanno ee soo socota.

Mr Pater oo ah ku xigeenka Ergeyga Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, ayaa sheegay in caalamka qorshahaan Soomaaliya uu kula shaqeyn doono, isla markaana ay soo dhoweynayaa sida loo diyaariyey qorshaha dowladda ee saddexda sanno.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali, ayaa sheegay in u jeedada qorshaan loo sameeyey in ay tahay sidii loo dhisi lahaa sharuucda iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, Xukuumadduna ay ku guuleysatay in ay dadajiso arrintaan.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay guul weyn gaartay mar haddii uu dalku yeeshay Qorshe adduunka ay nagula shaqeeyaan.
Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xikmadda ugu weyn ay tahay in Qorshahaan lagu sameeyey Wadatashi loo simman yahay, hasa ahaayeen muhiimaddu ay tahay in dadka ay akhbalaan qorshaan si uu u hirgalo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wasaaradda Qorsheynta faray in lagu daro Qorshaha, dabbagalka iyo qiimeynta si look ala ogaado hirgalinta, fulinta iyo caqabadaha ku yimaada qorshaha dowladda ee saddexda sanno.

Soomaaliya ayaa qorshe u gaar ah yeelaneysa ku dhowaad muddo laga joogo soddon sannadood, waxaayaba ugu waa weyn ee la rajeynayo qorshahaanna waxaa ka mid ah in isbaddel Dhaqaalaha uu dalka ku yimaado, si nolosha iyo horumarka dalka u xoogeystaan.

baalo1

baalo3

baalo7

baalo2

baalo5

baalo6

Previous Post

Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya”Si Qaldan Ayaa Loo Fasirtay Siyaasadda Qaranka Ee Haweenka”

Next Post
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo ku boorriyay dhallinyarada iney ka qeybqaataan horumarka dalka

Dowladda Soomaaliya”Si Qaldan Ayaa Loo Fasirtay Siyaasadda Qaranka Ee Haweenka”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In