Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Somaaliya laga bilaabo sanadkii 1991 ilaa 2012 dii waxaa soo maray marxalado kala duwan taasoo usuurtagelinin in loo yagleelo Hey’adihii Qaranka sidii loo rabay, taas oo sabab u tahay dagaalladii wejiyada badnaa ee lasoo maray xiliyadaas kala duwan, dhaawacna gaarsiiyey dalka iyo dadka iyo Diinta, laakiin marnaba meesha kama bixin baahida shacabku u qabaan soo celinta hey’adihii Qaranka si loo helo adeegyadii kala duwanaa, madaxda qarankana wexeey dadaal dheer ku bixisay sidii dalka loo badbaadin lahaa loogana qaban lahaa cidkasta oo ka hor imaneeyso doowladnimada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan xiligii ku meelgaarka ahaa in Soomaaliya ay ka muuqanin fagaaraha caalamiga ah waxaana sabab u ahaa laba arin oo kala ah: Beesha caalamka oo ka sii jeeday Soomaaliya iyo Hey’adaha qaranka oon kasoo kabsanin burburkii ku dhacay.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Horumarka Maanta

Laga soo bilaabo 2012 kii Soomaliya wexey ka baxday xilligii ku meelgaarka ahaa waxaana u furmay albaab cusub oo u hor seeday Soomaaliya soocelinta iyo dhisidda hey’adaha Qaranka ee kala duwan in kasto ay jiraan caqabado la taaban karo haddana waxaa doowladda u hirgalay arrimaha soo socdo oo ah kuwa lagu faani karo:

  1. Soomaaliya oo ka baxday ku meergaarkii noqotayna doowlad dhameeystiran soona ceshatay maqaamkii ay caalamka ku lehayd.
  2. Soomaaliya oo ka baxday magaca doowladaha fashilmay ( Failed States) ee aan ka soo kabanin dagaallada sokeeye, waxaana ku dhawaaqay arrintaasi wakiilkii hore ee Qaramada Madoobe u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Key wuxuuna sheegay in Soomaaliya u gudubtay marxalad cusub oo leh horu socod, maamul wanaag iyo deganaansho amni.
  3. Yagleelida nidaamka federaalka ah sida sameeynta maamul goboleedyada kala ah; Jubaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo kuwa hadda gacanta lagu hayo, wexeeyna kamid tahay arimaha siyaasada doowladda ee baahinta muulka si ay dadku uga qeeybqaataan dib u dhiska hey’adaha dowladda, heer deegaan iyo heer gobolba.
  4. Horumarka Amniga, ciiddamada doowladda oo taageero ka helaayo ciidamada AMISOM waxey ku guuleeysteen in ay ka xoreeyaan UGUS Gobolladii far ku tiriska ahaa ee gacantood ku jiray taasina waxeey horseedday in degenaasho la helo noloshuna si caadi ah kusoo laabato, qaraxyada iyo weerarrada ay kooxaha argagaxisada la beegsadan mararka qaarkood goobaha shacabku ay ku badanyihiin kuma yeelan saameeyn hor usocodka doowladnimo waxaana xusud mudan in ay jiraan dowlado ka khatar badan Soomaliya xagga amniga sida Siirya, Yaman iyo Ciraaq.
  5. Dib udhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaa ka mid ah horumarka la gaaray in doowladda federaalka ah ku guuleeysatay in dib udhis iyo dib u habeyn lagu sameeyey Ciidamada tayo iyo tiro ahaanba leyskuna dhafay ciidamadi kala joogay gobollada dalka, taas oo muu jineeyso astaamaha Qarannimada, billow fiicanna u ah in ciidamadu hantaan amniga dalka iyo xuduudihiisa
  6. Soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee caalamka, tallaabooyinka horay loo qaaday waxaa ka mid ah in uu soo laabtay xiriirkii diblamaasi ee Soomaaliya kala dhexeeyey caalamka, iyadoo ay doowlado badan ku dhiiradeen in ay safaaradohooda dib uga furtaan Soomaaliya sidoo kale, waxaa soo muuqatay kaalinti ay Soomaaliya ku lahayd siyaasadda heer gobol iyo heer caalamiba taasina wexeey keentay in Soomaaliya ay soo ceshayo dowrki diblomaasiyadeeed ee xiriirka arimaha dibadda.
  7. Ansixinta sharciyo kala duwan iyo Guddiyo Qaran. Doowladda wexeey dhistay gudiyo Qaran oo kala duwan kuwaas oo kala ah; Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee madaxa banaan, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Guddiga Dastuurka. sidoo kale waxaa la ansaxiyey sharciyo heer Qaran ah, sida sharciga Guddiga Garsoorka, Xeerka Saxaafadda , Sharciga Danbiyada Abaabulan iyo Sharciga Xuquuqda Caruurta iyo Sharciga Maalgashiga dalka.
  8. Abuuris fursado shaqo. Doowladdu wexeey ku guuleeysatay in ay abuurto fursado shaqo oo ay ka faa’iideeysteen boqolaal muwaadiniin ah, kuwaas oo tartan u galay in ay ku biiraaan hey’adaha Qaranka ee kala duwan, si ay u buuxiyaan kaalinta uga aaddan dhismaha dalkooda, una helaan daryeel ku filan, waana arrin aan horay u jirin mudda yar ka hor , horumarkaan waxaa sabab u ah muwaadiniintii oo arkay in hey’adiha Qaranku ay si tartiib tartiib ah u hana qaadayaan taasna wexeey abuurtay kalsoonida shacabka ay ku qabaan doowladdooda.
  9. Hanashada aaya ka talinta arrimaha Soomaaliya. Doowladda Soomaaliya wexeey ku guuleeysatay in ay gudato waajibaadkeeda uga aaddan dalka go’aamana ay gaarto, iyadoon u baahneeyn fara gelin shisheye, mararka qaarkood saaxiibbada beesha caalamka in ay taageeradoodu ku koobnaato waxyaabaha u baaahan farsamo, laakiin go’aannada masiiriga ah ay ka tashaneeyso Soomaalida.
  10. Koboca Magaalada Muqdisho, Caasimadda dalka ee Muqdisho wexeey gashay kaalinta labaa ee xagga koritaanka magaalooyinka aduunka, iyadoo kaalinta koowaad ay gashay magaalo ku taal dalka Indunisia, arrintaas waxaa xaqiijisay hey’ad cilmi baaris oo laga leeyahay dalaka Mareykanka, wexeeyna sabab uga dhigtay horomarka iyo dhismaha ballaaran ee ka socdo magaalada Mogdisho iyo isbedelka fiican ee nabad gelyada ku yimid iyo soo laabashadii qurbajoogta oo maalgashiyo ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka.
  11. Maalgashiga doowladaha shisheeye. Waxaa sandihii u danbeeyey dalka ka biloowday maalgashi shisheeye iyadoo doowlado badan oo Soomaaliya xiriir la leh ay daneeynayan in ay maalgashi ballaaran ku sameyaan dalka, waxaana ka xusi karnaa dowladda Turkiga oo maalgashi ku sameeysay goobo kala duwan sida Dekadda, Garoonka magaalada Mugdsidho iyo weliba xarumo caafimaad iyo wax barasho iyo doowlada kale oo ku hoowlan maalgashigaas.
  12. Is bedelka Siyaasadda Soomaaliya. Haddii ay shalay jirtay in dadku ku kala baxayeen qori caaraddii,awood iyo gacan qaad markuu yimaado ismaan dhaaf siyaasadeed maanta waxaa jiro isbedel siyaasadeed oo dhab ah oo keenay in la doodi karo, la wadahadli karo iyadoo sharciga la ilaalinayo qofkastana u xaq u leeyahay inuu soo bandhigo aragtidiiisa iyo moowqifkiisa taasina wexeey biloow fiican u noqotay in la yagleelo Axsaab siyaasadeed oo uu ka dhexeeyo tartan siyaasadeed ku aaddan maamulka dalka.

Gunaanad

Horomarku intaas kuma koobna oo waxaa jiro waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin  faaladooda, hasa yeeshee waxaa marag madoonta ah in doowladda Soomaaliya cagta saartay waddadii hour marka dhinac kasta. Kaasoo ah mid tartiib tartiib u socdo, waana sida ilma korayo oo u baahan daryeel, waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka ay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, si loo sii kordhiyo horumarka iminka ka socda dalka, loogana baxo dhibaatooyinki iyo burburkii ka dhashay dowlad la’aanta.

W.Q. Ismacil Mukhtaar Omar “Orange”

Previous Post

Bulshada Soomaaliyeed oo muujisay in falalka argagixisada aysan ka reebi doonin booqashada Liido

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo socdaal ku maraya Bakool

Next Post
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo socdaal ku maraya Bakool

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In