Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Su’aalo Jeedinta Shirka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha & Waxyaabaha looga Dooday kulankoodii Maanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 23, 2019
in Wararka
0
Su’aalo Jeedinta Shirka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha & Waxyaabaha looga Dooday kulankoodii Maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddada uu shirku socdo ayaa Agaasimayaasha Guud waxa ay ka hadlayaan qorshaha horumarinta Qaranka (2020-2024), Hiigsiga guud ee Qaranka, gaaridda himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed iyadoo muddada uu socdo lagu qiimeeynayo halka ay mareyso shaqada dowladdu iyo wixii ka qabsoomay qorshihii loo dejiyay Wasaaradaha iyo tubaha Qaranka.

Su’aal jeedinta  4-aad iyo 5-aad  ee kusaabsan waxyaabaha u qabsoomay Dowladda, Qorshayaasha la doonayo in la fuliyo, horumarka la sameeyay nidaamka dayn Cafinta iyo qodobo kale oo dhammaan la doonayo in Dowladdu fuliso.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Shirkaan ayaa noociisa ah kii ugu horeeyay ee ay  kulmaan Agaasimayaasha dowladda, waxaana Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Imaan oo ka hadlay madasha shirka uu sheegay inuu yahay fursad ay isku dhaafsadaan Xogaha.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi Xoghayaha Joogta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in shirkaan uu ku tiirsan yahay qaabka loo mideyn lahaa shaqada Dowladda oo loo qabto sidii loogu talo galay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Agaasimayaasha ay lafdhabar u yihiin shaqada Dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo Shaqaalaha Dowladda, taasi oo meesha ka saareysa inaan shaqada loo qaban sidii loogu talo galay.

Shirkaan Maalinta beri waxaa ka qeyb-galidoona Agaasimayaasha Guud ee Dowlad goboleedyada Maalinta sabtida ah uu beegan 26-ka bishaan waxaa noqon doonaa shir guud oo u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo ay soo xiridoonaan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika Oo Ay Hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibannada Golaha Shacabka oo ajandayaal dhowr ah ka dooday “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibannada Golaha Shacabka oo ajandayaal dhowr ah ka dooday “SAWIRRO”

Xildhibannada Golaha Shacabka oo ajandayaal dhowr ah ka dooday "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In