Suxufi madax bannaan oo 3-sano ka hor lagu qabtay gudaha dalka Syria ee ay ka socdaan dagaalada ,ayaa la sii daayey ,isagoo gaaray dalka Turkiga.
Xoghaya Golaha Xukuumadda ee Japan Yoshihide Suga oo qabtay shir jaraaid saacadihii dambe ee xalay ayaa sheegay in wararka la xiriira sii deynta Suxufigaasi ay ka heleen dhibaca dalka Qadar.
R/wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa u mahad celiyay xukuumadaha Qadar iyo Turkiga,dadaalkii ay ka geysteen sii deynta Suxufigaasi.
Mr. Jumpei Yasuda ,waxa uu sanadkii 2000- billaabay in uu warbixinno ka soo ururiyo Bariga Dhexe,isagoo kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria ay qabteen sanadkii 2015-kii,xilli uu la socday saaxiibkii oo la dilay.
Sanadki 2004-tii Suxufigaasi iyo 3-kale oo la socday ayaa lagu qabtay dalka Ciraaq,waxaana lagu sii daayey wadahadallo ay qeyb ka ahaayeen Culimo Islaami ah.