Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin tababar loogu soo xiray Garowe (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 19, 2015
in Wararka
0
Suxufiyiin tababar loogu soo xiray Garowe (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, 19 Febraayo, 2015ย ย Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Ururka Horumarinta Warbaahinta dalka Finland ee VIKES oo kaashanaya Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) ayaa tababar soconayay saddex cisho, oo diiradda lagu saaray Mabaadiiโ€™da saxaafadda, Xorriyadda Hadalka iyo Anshaxa saxaafadda ayaa maanta oo Khamiis ah 19 Febraayo, 2015, 30 weriye loogu soo gebagebeeyay Garowe, Caasimada Maamulka Puntland.

Tababarkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay si wadajir ah u wada qabtaan Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP) oo ah urur goboleed xubin ka ah ururweynaha NUSOJ, ayna taageereyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa qeyb ka ah mashruuc saddex sano oo Ururka horumarinta Saxaafadda Finland ee VIKES ku taageerayo horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta guud ahaan.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Furitaankii tababarka oo lagu casuumay suxufiyiin ka kala yimid gobolada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Md. Mohamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee MAP, Marwo Faadumo Mohamed Mohamoud, Abdiweli Hashi oo ah Suxufi khabiir ah oo ka yimid dalka Finland iyo Peik Johansson, xiriiriyaha mashruuca iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland, Md. Cabdiweli Xersi Cabdulle iyo mari sharaf kale.

Ugu horeyn, waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Md. Maxamed Ibrahim oo ka warbixiyay tababarka iyo muhiimada uu u leeyahay suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Puntland, iyadoo tababarku jamcinayo aqoonta tababaryaal Somali iyo Finnish ah. Waxa uuna u rajeeyay in suxufiyiinta ka qeybgalay tababarka ay ka faaโ€™iideysan doonaan. Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa uga mahadceliyay Ururka Suxufiyiinta MAP iyo wasaaradda Warfaafinta ee Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna muujiyeen wada shaqeynta.

Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Marwo Fadumo Maxamedย ย waxa ay ku soo dhoweysay Puntland masuuliyiinta NUSOJ iyo VIKES, iyadoo tiri, โ€œwelcome to Puntland, gaar ahaan Maxamed Ibrahim (Bakistaan) oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo martida inala joogta ee Peik Johansson iyo Abdiweliย ย oo aan iyagana leenahay welcome to Puntland, welcome to the capital.ย ย Sidoo kale, waxa ay uga mahadcelisayย ย waqtigooda qaaliga ah ee masaafada intaa la eg u soo gooyeen inay howshan inala qabtaan. Waxaanu leenahay waan idinkaga mahadcelineynaa.

โ€œTababarkan sida aad aragtaan waxa uu ku saabsan yahay mabaadiiโ€™da saxaafadda, xorriyada hadalka iyo anshaxa saxaafaddaโ€ ayay tiri Marwo Fadumo, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, iyadoo sheegtay sababaha loo soo celceliyo tababarda nuucan ah ay tahay faaiidada uu leeyahay, waayo waa aas-aaskii oo ah halka saxaafaddu ay ka dhisanto.

Peik Johansson, Isuduwaha Barnaamijyada ee VIKES in ayย ย si dhow ay wadashaqeyni kala dhexeysoย suxufiyiinta dalal kala duwan oo Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in tababarka halkan uu socon doono saddex cisho, kuna saabsan mabaadii’da aasaasiga ah ee saxaafadda, Anshaxa iyo muhiimadda xoriyadda hadalka, isagoo sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay barnaamij tababar oo loogu tala galay wariyayaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta Soomaaliya guud ahaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Md.ย Abdiweli Hirsi Abdulle ayaa sheegay furitankii tababarkaย  โ€œWaxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinka qeyb galo siminaarkan ka dhadhanka badan ama ka value iyo qiimaha badan siminaaro badan oo aan iskala qeyb galnay, waayo wuxuu jamcinayaa Puntland, Somalia-yadi kale iyo wadamada hadda la yiraahdo oo adduunka hada ugu horeeya ee Europe-ta Bariย ย e Scandanivian-ka ah oo hadda wadamada ugu horumarka badan xagga saxaafada, degenaanshaha iyo barwaaqadaba.

Wasiirka ayaa ku daray in in siminaarkan maanta uu dhadhan gaar ah waayo waxaa ka muuqaneysa tababarayaasha sida Cabdiweli Xaashi waddaniyad gaar ah oo dad badan oo hadda dalka jooga aanay qabin, isagoo ku dhiirigeliyay in suxufiyiintu ay tababarka ka faaโ€™iideystaan. Isagoo sidoo kale ku dhiirigeliyay suxufiyiinta ka qeyb qaadashada nabadda iyo barnaamijyada horumarineed, isla markaan uga mahadceliyey Ururka Suxufiyiinta Qaranka iyo VIKES iyo MAP taabogelinta tababarkan.

Tababarka ayaa waxaa casharo ka bixinayay tababarayaal aqoon u leh saxaafadda, iyadoo ka qeybgalayaasha si firfircoon uga qeyb qaateen tababarka, sheegeyna inay wax badan ka faaโ€™iideysteen, kana codsaday hayโ€™adaha NUSOJ, MAP iyo VIKES in ay kordhiyaan tababarada sare loogu qaadayo.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa horey u sheegay in sanadka 2015 tababarada la gaarsiin doono suxufiyiinta gobolada kala duwan ee dalka jooga, iyadoo NUSOJ ay tababaro kala duwan gaarsiin doonto suxufiyiinta gobolada dalka jooga.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In