Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin tababar loogu soo xiray Garowe (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Suxufiyiin tababar loogu soo xiray Garowe (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, 19 Febraayo, 2015  Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Ururka Horumarinta Warbaahinta dalka Finland ee VIKES oo kaashanaya Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) ayaa tababar soconayay saddex cisho, oo diiradda lagu saaray Mabaadii’da saxaafadda, Xorriyadda Hadalka iyo Anshaxa saxaafadda ayaa maanta oo Khamiis ah 19 Febraayo, 2015, 30 weriye loogu soo gebagebeeyay Garowe, Caasimada Maamulka Puntland.

Tababarkan oo ah kii ugu horeeyay ee ay si wadajir ah u wada qabtaan Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP) oo ah urur goboleed xubin ka ah ururweynaha NUSOJ, ayna taageereyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa qeyb ka ah mashruuc saddex sano oo Ururka horumarinta Saxaafadda Finland ee VIKES ku taageerayo horumarinta suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta guud ahaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Furitaankii tababarka oo lagu casuumay suxufiyiin ka kala yimid gobolada kala duwan ee Puntland ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Md. Mohamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee MAP, Marwo Faadumo Mohamed Mohamoud, Abdiweli Hashi oo ah Suxufi khabiir ah oo ka yimid dalka Finland iyo Peik Johansson, xiriiriyaha mashruuca iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland, Md. Cabdiweli Xersi Cabdulle iyo mari sharaf kale.

Ugu horeyn, waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Md. Maxamed Ibrahim oo ka warbixiyay tababarka iyo muhiimada uu u leeyahay suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Puntland, iyadoo tababarku jamcinayo aqoonta tababaryaal Somali iyo Finnish ah. Waxa uuna u rajeeyay in suxufiyiinta ka qeybgalay tababarka ay ka faa’iideysan doonaan. Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa uga mahadceliyay Ururka Suxufiyiinta MAP iyo wasaaradda Warfaafinta ee Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna muujiyeen wada shaqeynta.

Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Marwo Fadumo Maxamed  waxa ay ku soo dhoweysay Puntland masuuliyiinta NUSOJ iyo VIKES, iyadoo tiri, “welcome to Puntland, gaar ahaan Maxamed Ibrahim (Bakistaan) oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo martida inala joogta ee Peik Johansson iyo Abdiweli  oo aan iyagana leenahay welcome to Puntland, welcome to the capital.  Sidoo kale, waxa ay uga mahadcelisay  waqtigooda qaaliga ah ee masaafada intaa la eg u soo gooyeen inay howshan inala qabtaan. Waxaanu leenahay waan idinkaga mahadcelineynaa.

“Tababarkan sida aad aragtaan waxa uu ku saabsan yahay mabaadii’da saxaafadda, xorriyada hadalka iyo anshaxa saxaafadda” ayay tiri Marwo Fadumo, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, iyadoo sheegtay sababaha loo soo celceliyo tababarda nuucan ah ay tahay faaiidada uu leeyahay, waayo waa aas-aaskii oo ah halka saxaafaddu ay ka dhisanto.

Peik Johansson, Isuduwaha Barnaamijyada ee VIKES in ay  si dhow ay wadashaqeyni kala dhexeyso suxufiyiinta dalal kala duwan oo Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in tababarka halkan uu socon doono saddex cisho, kuna saabsan mabaadii’da aasaasiga ah ee saxaafadda, Anshaxa iyo muhiimadda xoriyadda hadalka, isagoo sheegay in tababarkani uu qeyb ka yahay barnaamij tababar oo loogu tala galay wariyayaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta Soomaaliya guud ahaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Md. Abdiweli Hirsi Abdulle ayaa sheegay furitankii tababarka  “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinka qeyb galo siminaarkan ka dhadhanka badan ama ka value iyo qiimaha badan siminaaro badan oo aan iskala qeyb galnay, waayo wuxuu jamcinayaa Puntland, Somalia-yadi kale iyo wadamada hadda la yiraahdo oo adduunka hada ugu horeeya ee Europe-ta Bari  e Scandanivian-ka ah oo hadda wadamada ugu horumarka badan xagga saxaafada, degenaanshaha iyo barwaaqadaba.

Wasiirka ayaa ku daray in in siminaarkan maanta uu dhadhan gaar ah waayo waxaa ka muuqaneysa tababarayaasha sida Cabdiweli Xaashi waddaniyad gaar ah oo dad badan oo hadda dalka jooga aanay qabin, isagoo ku dhiirigeliyay in suxufiyiintu ay tababarka ka faa’iideystaan. Isagoo sidoo kale ku dhiirigeliyay suxufiyiinta ka qeyb qaadashada nabadda iyo barnaamijyada horumarineed, isla markaan uga mahadceliyey Ururka Suxufiyiinta Qaranka iyo VIKES iyo MAP taabogelinta tababarkan.

Tababarka ayaa waxaa casharo ka bixinayay tababarayaal aqoon u leh saxaafadda, iyadoo ka qeybgalayaasha si firfircoon uga qeyb qaateen tababarka, sheegeyna inay wax badan ka faa’iideysteen, kana codsaday hay’adaha NUSOJ, MAP iyo VIKES in ay kordhiyaan tababarada sare loogu qaadayo.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa horey u sheegay in sanadka 2015 tababarada la gaarsiin doono suxufiyiinta gobolada kala duwan ee dalka jooga, iyadoo NUSOJ ay tababaro kala duwan gaarsiin doonto suxufiyiinta gobolada dalka jooga.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In