Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taageerada Dowladda ee la dagaalanka Shabaab oo soo kordhaya (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo badanayay taageerada iyo is bar-bartaagga dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna kuwii ugu dambeeyay ay naga soo gaareen Madaxweynayaashii hore, Raiisul-waarayaal hore iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaan taageerayaa oo xoojinayaa fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka. Waxaa hubaal ah in khawaarijtu markay nafta u yaabaan isticimaalaan keydkooda u dambeeya (their last resources) oo noqon kara dad waaweyn oo aanad ka filayn oo si toos ah ama si dadban ugu shaqeynaya khawaarijta sida Siyaasiyiin, Ganacsato, dhaqan, Saraakiil ama Weriyayaal ay si uun fara uga hayaan ama dano ka baabi’in karaan ama mabaadiidooda aaminsan ama sidii horeba u dhici jirtay siyaasi damac liita oo is leh yaan Teamka xilka hadda hayaa siyaasad ahaan kugu gaadhin meel aanad kula tartami karin”, sidaasi waxaa boggisa Barta Bulshada ku soo qoray Wasiir hore, haatanna ah Xildhibaan Golaha Shacabka Maxamed Cabdi xayir Maareeye.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yieri:- “Mararka qaar waxaa khawaarijta gacan siiya dawlado shisheeye ama dad ajnebi ah oo aan Soomaali wanaag la doonayn, Hay’adaha Amniga ayaa laga doonayaa in ay ka dabatagaan oo soo qabtaan Khawaarijta Qarsoon iyagoo iska ilaalinaya in ay ku xadgudbaan qof aan dembi lahayn, sidoo kalena waa in Ciidamada laga dhex sameeyaa Internal Intelligence Unit urur kasta ku dhexjira. Cidhibtirka khawaarijta waxaa ku xidhan jiritaankeena waar yaan la siyaasadeynin ama mashruuceynin”.

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

R/wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Warbaahinta la hadlay ayaa isna ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.”horay dalku uma socon karo haddii aan la soo afjarin khawaarijta,sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in shacabka ay sii wadaan taageerada ku aadan dagaalka looga horjeedo khawaarijta”ayuu yiri R/wasaarihii hore .

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu tilmaamay in cadowgu mar kasta ay guul u tahay kala qaybsanaanta Ummadda, waxaana waajib ah ayuu yiri in loo midoobo dagaalka lagu xoreynayo dalka. “in la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka,sidaa aawadeed,waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdooda”, ayuu yiri R/wasaarihii hore ee dalka.

R/wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed ahna Senator ka tirsan Aqaka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo Madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka kooxaha nabad-diidka khawaarijta ee weli ku sugan qeybo yar oo dalka ah. “Khawaarijtu waa dhibaato hortaagan Shacabka, waxaana loo baahan yahay in cududda la isugu geeyo ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada”, ayuu yiri R/wasaare ku xigeenkii hore

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku taliyay in aan dhibco siyaasadeed laga raadin arrimaha amniga, isagoo intaa raaciyay in la joogo maalintii loo midoobi lahaa dhameystirka kooxahaasi iyo ciribtirka Argagixisada, waxa uuna soo jeediyay in Shacabka ay isbarbar taagaan ciidanka iyo Madaxda dalka, isla markaana si wadajir ah loo wajaho dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta, isagoo ugu dambeyntiina boogaadiyay ciidamada iyo Madaxda dalka oo ka dhabeeyay in lala dagaalamo kooxaha nabad-diidka ah, islamarkaana laga sifeeyo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heerkii ugu dambeeyay uu ka gaaray Waxbarashada ee ah PHD holder, islamarkaana ah Bare Jaamacaceed, laba jeerna Dalka ka noqday Madaxweyne, isagoona xusay inuu rabo oo kaliya inuu dalku gaaro horumar la mid ah kuwa caalamka ka jira, “Waxaan ahay Oday 70-jir ah, waqti badan oo aan xukun ku sii joogo iima harin, waxaan maanta rabaa oo kaliya Soomaaliya oo cagaheeda isku taagto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo  xalay ka qeybgalay kulanka Twitter Space, ayaa ku nuux nuuxsaday waxa uu ka rabo mustaqbalka Soomaaliya ayaa yiri:-  “Soomaaliya sida Singapore, Malaysia, iyo Dubai ah kama tagayo laakiin waxaan rabaa inan ka tago Soomaaliya xor  ka ah Shabab oo waddada horumarka iyo dimuqradiyada cagta saartay”, hadalkaasi ayaa ah mid weyn oo Nin siyaasi ah oo wax bartay ku hadlo, waxa uuna muujiyay inuu Dalka uu ku hayo laxaw ama u turid, doonayana inay Soomaaliya la mid noqoto kuwa caalamka ka jira ee la tartami karta wadamada dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan horumarsan, islamarkaana nabad ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Argagixisada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshuhu yahay ciribtirka Khawaarijta ku harsan Dalka in lagu soo gabo-gabeeyo wejiga hore ee dagaalka, islamarkaana si dhaqso ah loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo Al-shabaab cabsi badan ka soo wajahday.

” Maanta Cowsweyne oo meeshii dagaalka laga bilaabay u jira 300-KM ayaa dagaalku marayaa, labo weji ayaa u qaadnay, wejiga koowaad labo Dowlad gobolleed, wejiga labaadna labo Dowlad gobolleed, labadan Dowlad gobolleed Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa noo sahlanaatay dabeecad dadka iyo dhulka,  meeshaasi ayaaa ka bilownay, meel wanaagsan ayuunna marayaa, Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa”, ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaanno iyo Masuuliyiin mar walba garab taagan ciidankooda oo la qeybsaday dhib iyo neefba, waxaana ka mid ah Mudane ku dayasho mudan, kaasi waa kuma?, waa  Senator Axmed Maxamed Cali “Afcadeey”, waa Senator ilaa maalintii uu bilowday dagaalka lagula jiro  Ciribtirka Khawaarijta,  ilaa haatan waxa uu ku sugan yahay jiidda hore ee dagaalka, isagoo dhiiri-galin iyo garab istaag la barbar taagan Ciidamada Qalabka Sida  iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda.

Haddaan wax taa taataabanno Deegaanka Cowsweyne iyo wixii ka dhacay ama aan dib u jaleecno, ciidankeenna ka dagaalamay halkaasi, waxay cashar ay ilaa hadda ka soo kaban la’yihiin u geeysteen Khawaarijtii ku soo gardartootay. tiro Saddex boqol oo Khawaarij ah ku dhow ayaa halkaas goob looga laayay, markii ay goobta ka dhaqaaqeenna duqeyn ayaa lala beegsaday, waxaana lagu gubay dhammaan gaadiidkii ay wateen.

Maalin kadib weerar Cowsweyne oo Axaddii ku aadaneeyd dhaawicii Khawaarijta oo ay deegaanka Darri geeyeen duqeyn ayaa lala beegsaday waxaa lagu gubay dhammaan wixii dhaawac goobta oo labo guri ah yaallay, waxaa kaloo jirta in dhawaaca Khawaarijta ay sii dhameystirayeen. Ilaa maanta oo ay Asbuuc ka soo wareegtay dhammaan deegaannadii ciidanku ka soo baxeen ma jiro hal Maleeshiyo Khawaarij ah oo tegay goobahaasi, sababtuna waa ciidan la’aan ba’an oo cadowgu la il daran yahay, marka maanta  waxaan dhihi karnaa Cowsweyne wuxuu Khawaarijta u ahaa Naar inta aanay Aakhiro la gaarin adduunyada lagu tusay.

Previous Post

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa hawlgal ka fuliyey Deegaanka Dumaaye

Next Post

Hawlgal qorshaysan oo lagu dilay 20 Khawaarij ah Deegaanka Towfiiq

Next Post
Hawlgal qorshaysan oo lagu dilay 20 Khawaarij ah Deegaanka Towfiiq

Hawlgal qorshaysan oo lagu dilay 20 Khawaarij ah Deegaanka Towfiiq

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In