Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh kooban Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
War Deg deg ah: AUN Wariye Maxamed Aaden Xirsi Terra oo xalay ku geeriyooday London
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee Wariye sare Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera ayaa maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Hadaba taariikhdiisa oo kooban ayaa waxaa wax ka weydiinay Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ay ka soo wada shaqeyn jireen Warfaafinta.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ustaadka ayaa xusay in Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera uu ku soo biiray Radio Muqdisho bishii August ee sanadkii 1973-kii kolkaasi oo uu ka mid ahaa dhallinyaro ka soo qalin badalatay Jaamacadda Lafoole, gaar ahaan kuliyadda saxaafadda.

Waxa uu ka mid ahaa dadka war akhriyahaasha loogu jecelyahay Idaacadda, isagoo sanadkii 1974 noqday war akhriyeyaasha Radio Muqdisho, isla markaana ahaa shaqsi balanta ku wanaagsan.

1979-kii ayuu noqday Madaxii Radio Muqdisho waxaana uu markii dambe noqday Agaasimaha Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)

Dabayaaqadii sideetamaadkii waxa uu noqday Agaasimaha Idaacadaha Soomaaliyeed ee Hargeysa iyo Radio Muqdisho oo uu si wada jir ah hal mar u wada maamulayay.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Teera waxa dadkii ay isla soo shaqeyn jireen ay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi daacad u ah shaqadiisa, islamarkaana ahaa nin howlkar badan oo ka baxay guud ahaan baxda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Bur burkii dalka kadib waxa uu ahaa marxuumka shaqsi sii watay howlihii saxaafadda, isagoo u soo shaqeeyay Telefishinka Universal iyo Warbaahino kale.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera, iyagoo u rajeeyay marxuumka in uu Alle ka waraabiyo janadii fardowso, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo Imaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILLAAHI RAAJI CUUN.

 

Previous Post

Wasiirka Batroolka XFS oo sheegay in la dhisayo Hay’adda batroolka Qaranka Soomaaliyeed

Next Post

Somali Prime Minister arrives in Djibouti for a two-day official visit

Next Post
Somali Prime Minister arrives in Djibouti for a two-day official visit

Somali Prime Minister arrives in Djibouti for a two-day official visit

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In