Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Fanka

Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Fanka, Keyd Hore, Maqaallo, Shaqooyinka, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa umadda Soomaaliyeed ka baxay shumicii Fanka Soomaaliyeed Boqoradii codka dabacsaneeyd Fankana ka gaartay fiinta sare. Dhaxal aan salguuri ayeey uga tagtay shacabka Soomaaliyeed.

Khadra Daahir Cige waxay sanadkii 1957 ku dhalatay Magaaladda Hargaysa halkaasi ayeey ku kaalin qaaday Waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii. Sida ay Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Khadra hilowga ay fanka u qabto ayaa waxay yaraanteedii ka mid ahayd dadka aadka loogu jacelyahay goobaha waxbarashadda markeey joogto iyo Munaasabadaha waa weeyn halkaasi oo ay ku madda –daalin jirtay dhalaanka filkeeda ah iyo Bulshada kale. Mar ay u warameeysay Weriye Cabdalla Nuuradii AUN oo kamid ahaa bahda Radio Muqdisho 1976-kii oo labo sano oo kaliya ay fanka ku jirtay ayey ka sheekeysay Khadro sida ay fanka u jacleeyd.

“Anigoo aad u jecel fanka waxaan sameeynay 1970-kii, Ruwaayad laga dhigay iskuulka Technical School ee Hargaysa, oo aan la dhigay ardaydii, Markii ka dambeeysay oo aan jeclaaday in aan fanka ku soo biro oo ay ugu horeeysay 1974-tii ayaa waxaa dhacday in aan la soo qaado Hobollada Waaberi Ruwaayadii (Dab jeceyl kari waa) halkaasi oo aan ka noqday fanaanad jecel fanka,” ayey wareysigaas ku tiri Khadro.

Soyaalkeedii Fanka

1974 ayeey fanka si toos ah u soo gashay xilligii ka horeeyay wakhtigaasi waxay dusha sare kala socotay fanka iyadoo muxubo u haysay mar un in ay noqoto fanaanad la tiigsado.

khadra Daahir cige waxay qaaday 250 heeso, heestii ugu horeysay ee ay qaadanaa waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, Heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa: Hawl iyo dadweynoow, Fanaanada Khadra Daahir waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani,Jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed

Maxaa ku qabsaday Qurbaha Khadro

Sheekooyinkii la yaabka lahaa iyo Khadro Waxyaalihii layaabka ahaa ee qurbaha ku qabsaday waxaa kamid ahaa ,Khadro oo maalin dukaan u dukaameysi tagtay kaligeed, iyadoon si fiican luqadda waddankaasi looga hadlo garaneyn, ayaa madaamaa uu horay u caawin jiray xaajigeeda,

ayey cishadaasi rabtay inay dukaanka ka soo gadato, Budada lagu fixiyo daqiiqda ama lagu qamiiriyo, balse Khadra waxaa ay tiri waxaan eegayaa fixiso (I am looking Baking powder) taasi oo ka yaabisay nimankii dukaanka gadayey, balse way is yara gartay oo waxa dukaanka ka baxday iyadoo u muuqata qof dhuumanaya..

Ciyaarista Kubadda koleyga iyo Orodada

Khadro ma ahayn fanaanad oo kaliya taasi oo dadka madadaalisa laguna raaxeeysto codkeeda tolmoon ee dahabiga ah, waxay sidoo kale ciyaari jirtay kubadda koleyga oo ay yaraanteedii soo bilowday, wakhtigii ay dhigan jirtay iskuulka waxay ahayd orod yahan ka qayb galla 1500 ee oradada.

Geerideedda iyo sideey bulshadda u saameysay

Khadro Allaha ha u naxariistee waxay fanka ka baxday sanadkii 2002-dii, Xaleey ayeey ku Geeriyootay Magaaladda hargaysa. Waxaa ka tacsi eheladeeda u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, Madaxda dalka iyo Bulshada. Iyagoo alle uga baryay naxariistii janno in uu ka waraabiyo, Madaxda tacsida u diray ehelka fanaanadda waxaa kamid ah.

Madaxwaynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

RW JFS Xamse Cabdi Barre

Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS

Waxaan ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Fanaanadii weynayd ee Marxuumad Khadra Daahir Cige oo xalay Hargeysa ku geeriyootay.

W/Q: Eng. Ahmed Mohamed Farah oo Radio Muqdisho ka tirsan

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Kulan La Qaadatay Xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Next Post

Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In