Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Fanka

Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Fanka, Keyd Hore, Maqaallo, Shaqooyinka, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa umadda Soomaaliyeed ka baxay shumicii Fanka Soomaaliyeed Boqoradii codka dabacsaneeyd Fankana ka gaartay fiinta sare. Dhaxal aan salguuri ayeey uga tagtay shacabka Soomaaliyeed.

Khadra Daahir Cige waxay sanadkii 1957 ku dhalatay Magaaladda Hargaysa halkaasi ayeey ku kaalin qaaday Waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii. Sida ay Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Khadra hilowga ay fanka u qabto ayaa waxay yaraanteedii ka mid ahayd dadka aadka loogu jacelyahay goobaha waxbarashadda markeey joogto iyo Munaasabadaha waa weeyn halkaasi oo ay ku madda –daalin jirtay dhalaanka filkeeda ah iyo Bulshada kale. Mar ay u warameeysay Weriye Cabdalla Nuuradii AUN oo kamid ahaa bahda Radio Muqdisho 1976-kii oo labo sano oo kaliya ay fanka ku jirtay ayey ka sheekeysay Khadro sida ay fanka u jacleeyd.

“Anigoo aad u jecel fanka waxaan sameeynay 1970-kii, Ruwaayad laga dhigay iskuulka Technical School ee Hargaysa, oo aan la dhigay ardaydii, Markii ka dambeeysay oo aan jeclaaday in aan fanka ku soo biro oo ay ugu horeeysay 1974-tii ayaa waxaa dhacday in aan la soo qaado Hobollada Waaberi Ruwaayadii (Dab jeceyl kari waa) halkaasi oo aan ka noqday fanaanad jecel fanka,” ayey wareysigaas ku tiri Khadro.

Soyaalkeedii Fanka

1974 ayeey fanka si toos ah u soo gashay xilligii ka horeeyay wakhtigaasi waxay dusha sare kala socotay fanka iyadoo muxubo u haysay mar un in ay noqoto fanaanad la tiigsado.

khadra Daahir cige waxay qaaday 250 heeso, heestii ugu horeysay ee ay qaadanaa waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, Heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa: Hawl iyo dadweynoow, Fanaanada Khadra Daahir waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani,Jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed

Maxaa ku qabsaday Qurbaha Khadro

Sheekooyinkii la yaabka lahaa iyo Khadro Waxyaalihii layaabka ahaa ee qurbaha ku qabsaday waxaa kamid ahaa ,Khadro oo maalin dukaan u dukaameysi tagtay kaligeed, iyadoon si fiican luqadda waddankaasi looga hadlo garaneyn, ayaa madaamaa uu horay u caawin jiray xaajigeeda,

ayey cishadaasi rabtay inay dukaanka ka soo gadato, Budada lagu fixiyo daqiiqda ama lagu qamiiriyo, balse Khadra waxaa ay tiri waxaan eegayaa fixiso (I am looking Baking powder) taasi oo ka yaabisay nimankii dukaanka gadayey, balse way is yara gartay oo waxa dukaanka ka baxday iyadoo u muuqata qof dhuumanaya..

Ciyaarista Kubadda koleyga iyo Orodada

Khadro ma ahayn fanaanad oo kaliya taasi oo dadka madadaalisa laguna raaxeeysto codkeeda tolmoon ee dahabiga ah, waxay sidoo kale ciyaari jirtay kubadda koleyga oo ay yaraanteedii soo bilowday, wakhtigii ay dhigan jirtay iskuulka waxay ahayd orod yahan ka qayb galla 1500 ee oradada.

Geerideedda iyo sideey bulshadda u saameysay

Khadro Allaha ha u naxariistee waxay fanka ka baxday sanadkii 2002-dii, Xaleey ayeey ku Geeriyootay Magaaladda hargaysa. Waxaa ka tacsi eheladeeda u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, Madaxda dalka iyo Bulshada. Iyagoo alle uga baryay naxariistii janno in uu ka waraabiyo, Madaxda tacsida u diray ehelka fanaanadda waxaa kamid ah.

Madaxwaynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

RW JFS Xamse Cabdi Barre

Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS

Waxaan ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Fanaanadii weynayd ee Marxuumad Khadra Daahir Cige oo xalay Hargeysa ku geeriyootay.

W/Q: Eng. Ahmed Mohamed Farah oo Radio Muqdisho ka tirsan

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Kulan La Qaadatay Xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Next Post

Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan ku Saabsan Horumarinta Degaanka Oo Laga Daah Furay Gaalkacyo "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In