Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh Nololeedka Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Taariikh Nololeedka Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali Taliyaha Ciidanka LUGTA ee XDS Waxa uu ku dhashay Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo Sanadka Marka uu ahaa 1969 kii. Waxbarasadiisa Aas Aasiga waxaa ku soo qaatay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Sanadihii 1985 kii /1986-kii Waxa uu ka baxay Dugsiga sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Magaalada Muqdisho. Isla Sanadkii 1986-kii waxa uu ku xarooday Kulliyadda Ciidanka ee Jaalle Siyaad.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sanadkii 1988-kii waxaa uu ka qalin jabiyey Kulliyadda Ciidanka ee Jaalle Siyaad, isagoona halkaasi ka qaatay Xidigtii ugu horreysay, isla sanadkii 1988-kii isagoo ka tirsan qeybta 60 aad gaaska 13 aad ee CXDS waxaa uu qaatay Xidigtii Labaad.

Waxaa uu soo noqday Taliyaha Horinta Military police sanadkii 1990-kii waxaa loo dalacsiiyey Darajada Dhamme/Kabtan,
BurBurkii Dowladii Dhexe ee dalka ka jirtay ka dib waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii aan dalka ka Bixin.

Sanadkii 2006-kii xiligii Dowladii ku meel gaarka aheed waxaa loo Magacaabay Taliyaha Ururka Seddaxaad ee guutada 15 aad ee CXDS.

Sanadkii 2007-kii waxaa uu tababar u aaday Dalka Ethopia, waxaa uuna ku soo bartay Saadka&Howlgalinta.

Sanadkii 2008-kii waxaa loo Magacaabay Taliyaha Saadka&Ururka Farsamada Guutada Danab.

Sanadkii 2009-kii waxaa loo Dalacsiiyey Darajada Gaashanle waxaana loo Magacabay Taliyaha Saadka ciidanka Dhulka ee XDS.

Sanadkii 2011-kii  waxaa loo Magacabay Taliyaha ururka koowaad ee Guutada Koowaad ee CXDS.

Sanadkii 2012-kii waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashanle Dhaxe waxaana loo Magacabay Taliyaha Guutada 4 Aad ee Qeybta 12 Apri,l
isagoo ah Taliyaha Guutada 4 Aad waxaa loo dalacsiiyey Darajada Gaashanle Sare.

Sanadkii 2016-kii waxaa loo dalacsiiyay Darajada Sareeyo Guuto, waxa uu soo Noqday Taliye ku xigeenka Qeybta 12 April ee XDS, ugu Dambeyntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS.

Taliyahaan  cusub ee Ciidanka Lugta Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, xilkaasi loo magacaabana Ilaah Subxaana Watacaalaa ha laga gatab galo.

Waxaa Qoray Abdiwahid Gedi

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Seddax Askar katirsan dowladda

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha QM 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha QM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada New York kula kulmay Xoghayaha QM 

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In