Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka &Dalxiiska

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Taariikh Nololeedka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka &Dalxiiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland.

October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.

June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas.

Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London)

Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.
Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015.
Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho.

Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo.

Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.

Raisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda u magacaabay Wasiir buuxa, Sidaas buuna kaga mid noqonayaa dowladda cusub iyo xubnaha ugu miisaanka culus Xukuumadda Rooble.

SONNA

Previous Post

Xukuumadda Rooble oo cod aqlabiyad leh lagu ansaxiyay iyo golaha cusub oo la dhaariyay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda gaashaandhigga XFS iyo midowga Yurub oo isbitaalka xoogga ka dhisayo goob lagu burburiyo haraaga agabka caafimaad+SAWIRRO

Next Post
Wasaaradda gaashaandhigga XFS iyo midowga Yurub oo isbitaalka xoogga ka dhisayo goob lagu burburiyo haraaga agabka caafimaad+SAWIRRO

Wasaaradda gaashaandhigga XFS iyo midowga Yurub oo isbitaalka xoogga ka dhisayo goob lagu burburiyo haraaga agabka caafimaad+SAWIRRO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In