Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh nololeedka Marxuum Xil. Boqorre oo kooban

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Taariikh nololeedka Marxuum Xil. Boqorre oo kooban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marxuum EX. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku dhashay Gobolka Awdal ee Gobolada waqooyi ee Soomaaliya 1939-dii,halkaas oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo,wuxuuna Qur,aanka Kariimka ah uu ku bartay Degmada Boorama iyadoo dugsiga hoose,dhexe iyo sare uu ku qaatay isla Boorama.

 

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Marxuum Boqorre dhalinyaranimadiisii wuxuu ka mid noqday ciidanka Xoogga dalka wuxuuna ka qayb qaatay dagaaladii 1964 iyo 1977dii waxaana labada marba ka soo gaaray dhaawacyo, Allaha unaxariistee marxuumka wuxuu darajada Ciidamada ka gaaray G/Sare, muddo dheer ayuuna ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa wax ku soo bartay.

Burburkii dowladdii Soomaaliya kadib, waxaa uu marxuumka ku biiray Siyaasadda sanadkii 2000 ayuu ka mid noqday xildhibaanadii Baarlamaanka ee dowladdii lagu soo dhisay deegaanka Carta  ee dalka Jabuuti.

204tii wuxuu noqday Xildhibaan iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre Allaha unaxariistee intii Siyaasadda uu ku jiray wuxuu ka qaybqaatay doorashada Afar Madaxweyne oo uu dalku yeeshay, sanadkii  27 December 2016kii ,waxaa uu marxuum Boqorre noqday Xildhibaanka ugu da,da weynaa Golaha Shacbiga sidaa darteedna waxaa loo doortay in uu Gudoomiyo Baarlamaanka inta guddoomiye rasmi ah laga dooranayay.

Dhanka kale Marxuum Boqorre wuxuu ahaa Xildhibaan afkaartiisa siyaasadeed si qeexan fagaarayaasha ugu soo bandhiga isagoo ka jeedin jiray kal-fadiyada Baarlamanka ay yeeshaan. sanadkii hore ee 2018kii hadal uu Golaha Shacbiga hortiisa ka jeediyay waxuu kaga hadlay amaanka Muqdisho, isagoo Xildhibaanada,wasiirada iyo Saraakiisha kale ee dowladda u soo jeediyay in ay cabsida iska daayaan oo ay degmooyinka kala duwan ee  Muqdisho ay dagaan si ay bulshada ay matalaan uga war hayaan.

Marxuumka wuxuu hadda ka mid ahaa Gudiga difaaca ee Baarlanka, wuxuuna ahaa shaqsi mar walba u dooda daryeelka ciidamada, wuxuuna hoosta ka xariiqi jiray in haddii ciidamada dalka ay helaan daryeel buuxa iyo ka war hayn joogta ah, in amniga dalka uu horumar ku tallaabsanayo.

Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre dadka ay isla soo shaqeeyeen waxay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi aad ugu dadaala Cibaadada Alle, aad u naxariis badan qunyar socod, samirbadan, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo Caruur  isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

W/D. Gobdoon

xigasho SONNA

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minesota+Sawirro

Next Post

Somalia inaugurates a new prison and court complex

Next Post
Somalia inaugurates a new prison and court complex

Somalia inaugurates a new prison and court complex

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In