Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikh nololeedka Marxuum Xil. Boqorre oo kooban

admin by admin
February 24, 2019
in Wararka
0
Taariikh nololeedka Marxuum Xil. Boqorre oo kooban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marxuum EX. Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku dhashay Gobolka Awdal ee Gobolada waqooyi ee Soomaaliya 1939-dii,halkaas oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo,wuxuuna Qur,aanka Kariimka ah uu ku bartay Degmada Boorama iyadoo dugsiga hoose,dhexe iyo sare uu ku qaatay isla Boorama.

 

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Marxuum Boqorre dhalinyaranimadiisii wuxuu ka mid noqday ciidanka Xoogga dalka wuxuuna ka qayb qaatay dagaaladii 1964 iyo 1977dii waxaana labada marba ka soo gaaray dhaawacyo, Allaha unaxariistee marxuumka wuxuu darajada Ciidamada ka gaaray G/Sare, muddo dheer ayuuna ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibaddiisa wax ku soo bartay.

Burburkii dowladdii Soomaaliya kadib, waxaa uu marxuumka ku biiray Siyaasadda sanadkii 2000 ayuu ka mid noqday xildhibaanadii Baarlamaanka ee dowladdii lagu soo dhisay deegaanka Carta  ee dalka Jabuuti.

204tii wuxuu noqday Xildhibaan iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre Allaha unaxariistee intii Siyaasadda uu ku jiray wuxuu ka qaybqaatay doorashada Afar Madaxweyne oo uu dalku yeeshay, sanadkii  27 December 2016kii ,waxaa uu marxuum Boqorre noqday Xildhibaanka ugu da,da weynaa Golaha Shacbiga sidaa darteedna waxaa loo doortay in uu Gudoomiyo Baarlamaanka inta guddoomiye rasmi ah laga dooranayay.

Dhanka kale Marxuum Boqorre wuxuu ahaa Xildhibaan afkaartiisa siyaasadeed si qeexan fagaarayaasha ugu soo bandhiga isagoo ka jeedin jiray kal-fadiyada Baarlamanka ay yeeshaan. sanadkii hore ee 2018kii hadal uu Golaha Shacbiga hortiisa ka jeediyay waxuu kaga hadlay amaanka Muqdisho, isagoo Xildhibaanada,wasiirada iyo Saraakiisha kale ee dowladda u soo jeediyay in ay cabsida iska daayaan oo ay degmooyinka kala duwan ee  Muqdisho ay dagaan si ay bulshada ay matalaan uga war hayaan.

Marxuumka wuxuu hadda ka mid ahaa Gudiga difaaca ee Baarlanka, wuxuuna ahaa shaqsi mar walba u dooda daryeelka ciidamada, wuxuuna hoosta ka xariiqi jiray in haddii ciidamada dalka ay helaan daryeel buuxa iyo ka war hayn joogta ah, in amniga dalka uu horumar ku tallaabsanayo.

Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre dadka ay isla soo shaqeeyeen waxay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi aad ugu dadaala Cibaadada Alle, aad u naxariis badan qunyar socod, samirbadan, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo Caruur  isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

W/D. Gobdoon

xigasho SONNA

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minesota+Sawirro

Next Post

Somalia inaugurates a new prison and court complex

Next Post
Somalia inaugurates a new prison and court complex

Somalia inaugurates a new prison and court complex

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In