Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka furay aqoon kororsi ku saabsan, kor u qaadidda kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.
Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 ka mid ah Wariyeyaasha dumarka ee ka howlgala Warbaahinta deegaannada Galmudug ayaa muddo seddex maalmood ah oo uu socon-doono, waxaa diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.
Agaasimaha Warbaahinta cusub, ahna isku duwaha Xafiiska mideynta farriimaha dowladda ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdishakuur Cali Axmed oo sharxay ujeedka tababarka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uu yahay xaqiijinta iyo iftiiminta doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka.
Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GALJA mudane Maxamed Baareey ayaa bogaadiyay tababarkan isaga oo u rajeeyay Wariyeyaasha fursadda u helay ka qayb galkiisa in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow oo furay tababarka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal oo xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.
Munaasabadda furitaanka tababarkaan waxaa ka qayb galay, Wasiiro ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, madax ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ururka Saxafiyiinta Galmudug ee GALJA.