Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar Hay’adaha Maamulka Puntland ugu Soo idlaaday Nairobi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Tababar Hay’adaha Maamulka Puntland ugu Soo idlaaday Nairobi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa  waxaa ku soo idlaaday tababar Bangiga adduunku u qabtay Shaqaalaha mashruuca tayaynta shaqalaha Maamulka Puntland ee Xafiiska Madexweynaha iyo Guddiga sare ee Hay’ada Shaqallaha Rayidka ah ee Maamulkaasi.

Tababarkani oo loogu magac daray One-on One Orientation and Training Workshop ayaa wuxuu mudo hal asbuuc ah ka socday xarunta Bangiga aduunka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana si wada jir ah u bixinayay Khuburo ka socotay  Bangiga Aduunka.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Tababarka ayaa ku saabsanaa sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta ee uu Bangiga Aduunku maalgeliyo Puntland.

Mudadii uu tababarku socday ayaa shaqaslaha mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta  iyo guddiga Hay’adda shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen wixii u qabsoomay saddexdii bilood oo la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha saddexda bilood ee soo socota.

Agasimaha Guud ee Madextooyada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Guddoomiyaha Shaqaalaha rayidka ah ayaa Bangiga Aduunka siiyay warbixin dheer oo ku saabsan sida  Puntland ay ugu heelan tahay in uu mashruucani miro dhalo Maamulkana uga faa’iidaynayso shaqaalaheeda.

Mashruucani ayaa soconaya muddo shan sano, waxana uu ka mid yahay balanqaadyadii uu Madaxweynaha  Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u balan qaaday shabackiisa.

Wafuuda tababarku u socdey ayaa waxa hoggaminayey Agaasimaha Guud ee  Madextooyada Puntland Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf.

Bangiga aduunka ayaa ku aamanay Dowladda Puntland sida habsami u socodka leh ee uu mashruucu u socdo iyo guulihii la gaaray sadexdii bilood ee la soo dhaafay, waxana ay sheegeen in mashruucani mirro dhalidoono.

Ugu danbayntii, tababarka ayaa ku soo idlaaday jawi deggan, waxaana ay wufuudu sheegeen in uu ahaa tababar ay wax badan ka faa’iideen, taas oo u fududayn-doonta in ay u gutaan shaqadooda si habsami leh.

                                                                            —DHAMMAAD—

20160215_112545 20160215_112557 20160215_123940 20160217_131153 20160217_131202 20160217_131222 20160217_131306 20160218_104215 20160218_104805 20160219_111147 20160219_111634 20160219_121140 20160219_121331

 

Previous Post

R/Wasaare Cumar oo Qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada ee ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Hebeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Hebeennimo Ee Radio Muqdisho

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In