Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar la xiriira Diiwaangelinta Dadweynaha oo howlwadeenno uga furmay dalka Malawi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tababar la xiriira Diiwaangelinta Dadweynaha oo howlwadeenno uga furmay dalka Malawi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Malawi H.E. Dr. Ken Zikhale Ng’oma iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta magaaladda caasimadda dalka Malawi ee Lilongwe ku daahfurey tababar la xiriira Diiwaangelinta Dadweynaha (National ID) iyo nidaamka Dad dhigista, iyada oo la dul Istaagayo tijaabada guuleysatey ee dalka Malawi oo hal sano gudihiis ku Diiwanagaliyey dad ka badan toban malyan oo muwaadiniintiisa ka Mid ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtey barnaamijka aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha bishii September 2023 ayadoo qorshuhu yahay in 4 sano gudahoood lagu diiwaangaliyo 15 malyan oo muwaadin oo hadda laga bilaabay magaalada Muqdisho.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Xafiiska Ra’isul waaaaraha, Wasiiradda Arrimaha gudaha Dawlad goboleedyada, iyo madaxda iyo hawlwadeenno ka kala socda hey’adda NIRA iyo xafiiska Dad dhigista Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ka faa’ideysanaya tababarkan iyo waaya-aragnimo wadaagaan, lana filayo in aqoonta laga soo kororsado booqashadaan ay noqon doonto Mid looga faa’ideysto hawlgalka hey’adda NIRA iyo xafiisyada diiwaangelinta Dad dhigista.

Hey’adda UNDP xafiiskeeda Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka taageertey sidii ay shaqadan baaxadda leh ay hirgeli lahayd.








Previous Post

Danjire Warfaa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Portugal ee Ethiopia

Next Post

Sii-hayaha Guddoomiyaha Akameediyada Suugaanta oo la magacaabay

Next Post
Sii-hayaha Guddoomiyaha Akameediyada Suugaanta oo la magacaabay

Sii-hayaha Guddoomiyaha Akameediyada Suugaanta oo la magacaabay

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In