Munasabadaan oo tababar oo kagu soo xirayey xirfadalayda kaluumaysatadda ee dalkeen kaasi oo ku aadan sidii ay u fahmi lahayeen mashruuca FAD oo ah qalab lagu xiraayo xeebaha isla markaana gabaad u noqonaya kalluunka ayna si wadajir ah u hirgaliyeen wasaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya iyo hay’adda cuntadda iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa maanta lagu qabtay magaaladda muqdisho.
Tababarkaan oo socday mudo 3 cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya, waxaana ka qayb galay xiritaankiisa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya,Maareeyaha hay’adda horumarinta kalluunka iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyah a iskaashatadda kalluumaysatadda Soomaaliyeed ayaa wasaradda kallumaysiga kaga mahadceliyey barnamijkaan lagu horumarinayo kalluunka Soomaaliyeed.
Wasiiradda kalluumaysiga,maamul goboleedyadda; Galmudud iyo Koofur galbeed Soomaaliya oo ka hadlay munasabadda ayaa soo dhaweeyey dadaalka ay wasaaradda kallumaysiga ee ee dowladda Federaalka kaasi oo lagu horumarinayo kheyraadka badda Soomaaliya.
Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya looga baahanyahay in ay samayso qorshe dadka Soomaaliyeed lagu barayo cunista kalluunka.
Marwo Sahra Maxamed Cali wasiirka Haweenka iyo horumarinta xaquul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tahay lagama maarmaan in haweenka labaro xirfadda kalluumaysiga.
Wasiirka kallumasiga iyo kheyraadka badda ee xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Caymooy oo ugu dambayntii ka hadlay munasabadda ayaa kula dardaamay kallumaysatadda nasiibka u yeeshay tabarkaan in ay uga faa’iideyaan dadka iyo dalka.
Sawir Qaade: Maxamed C/laahi Feereysane